Reer Kismaayo oo u soo banbaxay damaashaadka koobkii ay qaadeen

Published: December 25, 2017

Kn: Kumannaan shacab iyo masuuliyiin isugu jira ayaa u soo banaanbaxay soo dhawaynta ciyaartoydii Jubbaland iyo koobkii ay soo qaadeen. Garoonka caalamiga ee Kismaayo waxaa ciyaartoyda ku sii sugayay madaxweynaha Jubbaland iyo labadiisa ku xigeen, gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland, wasiiro, xildhibaano iyo dadweyne tiro badan oo ay ku jiraan kooxaha fanka.

Kooxda iyo masuuliyiin heer federal ah oo Muqdisho ka soo duulay ayaa ku yimid 2 diyaaradood, waxaana lagu galbiyay boqolaal gaadiid ah. Gabi ahaanba ganacsiga magaalada ayay dadku albaabada u laabeen si ay uga qayb qaataan damaashaadka guusha ay dhalinyaradoodu soo hantiyeen, waxaana wadooyinka dhoobnaa ciidamada amaanka oo indhaha galeyrka ku eegayay canaasiirta amaanka iyo wadanoolaanshuhu dhibayo.

CAYAARTOOY cayaartooy1 cayaartooy2 cayaartooy3 cayaartooy4 cayaartooy5 cayaartooy6


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Farmaajo oo Cadaado ku hoyday
Xamar oo lagu soo toosay xoolo qalan oo dariiqyada waran
Sh. Umal oo Kismaayo ka degay
Galmudug oo Farmaajo si diiran u qaabishay
Axmed Madoobe oo la kulmay ducaaddii Kismaayo timid