Xiriirka kubadda cagta oo lagu kacay

Published: December 25, 2017

Kn: Wasaradaha dhalinyarada iyo Isboortiga ee maamul gobolleedyada ayaa markii ugu horaysay cod dheer ku naqdiyay xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed oo ay ku sheegeen koox yar oo afduub ku haysata wax guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ka dhexeeya.

Warmurtiyeed ay ku sixiixanyihiin maamul gobolleedyada oo dhan marka laga reebo maamul gobolleedka Jubbaland ayaa lagu sheegay in maamulka xiriirka ku badda cagta ee haatan jira uusan ahayn mid ku dhisan nadaamka dawlad-wadaagga ee uu yahay koox yar oo ka faa’iidaysatay burburkii dalka sidaasina ku bililiqaysatay magicii maamulka kubadda cagta ee qaranka Soomaaliyeed. Dhaliisha kadib waxay dawladda federaalka ka codsadeen in maamulkaasi la kala diro oo la dhiso mid ku salaysan hanaanka federaalka si gobol kastaayi u helo matalaad lagu xaqiijiyo in si wanaagsan looga wada faa’iidaysto fursadaha hormarineed ee dhanka dhalinyarada iyo Isboortiga.

Hadaba hoos ka akhri warmurtiyeedka:

xiriirka kubadda cagta


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Farmaajo oo Cadaado ku hoyday
Xamar oo lagu soo toosay xoolo qalan oo dariiqyada waran
Sh. Umal oo Kismaayo ka degay
Galmudug oo Farmaajo si diiran u qaabishay
Axmed Madoobe oo la kulmay ducaaddii Kismaayo timid