Axmed Madoobe oo martiqaad u sameeyay waxgaradka Jasiiradaha Jubbada Hoose

Published: December 27, 2017

Kn: Madaxweynaha dawlad gobolleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa qasriga madaxtooyada Jubbaland casuumaad ugu sameeyay waxgaradka iyo cuqaasha Jasiiradaha kuyaalla Jubbaland.

Madaxweyne Axmed iyo cuqaasha ayaa iswaydaarsaday macluumaad ku saabsan xaaladda dhabta ah ee ay ku noolyihiin dadka degan Jasiiradaha iyo sida ugu wanaagsan ee horumar la taaban karo loogu samayn karo.

Waxgaradka iyo madaxweynaha ayaa si fiican isula qaadaa dhigay talaabooyin kala horeeya oo lagu hormarinaayo nolosha dadka Jasiiradaha ku nool, waxayna cuqaasho aad uga mahadceliyeen casuumaadda madaxweynuhu u sameeyay iyo sida wanaagsan ee u dhagaystay. Dhanka kale waxay cuqaasha Jasiirahada Jubbooyinku sheegeen inay tahay taariikhda markii ugu horaysay oo qof masuul ka ah gobolka uu talo waydiiyo dadka Jasiiradaha ku nool, waxayna sheegeen inay aad ugu riyaaqeen markii madaxweynuhu soo dalbaday la kulan kooda.

Axmed Madoobe ayaa dhinaciisa u sheegay cuqaasha inay ka go’antahay inuu isbadal dhab ah oo lataaban karo ka sameeyo deegaamada ay ku noolyihiin.

Axmedmadoobe+Jasiiradaha4 Axmedmadoobe+Jasiiradaha3 Axmedmadoobe+Jasiiradaha2 Axmedmadoobe+Jasiiradaha

 

 

 

 

 

Axmedmadoobe+Jasiiradaha1

 

 


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Maxaabiis Hindiya ku xirnayd oo dalka la keenay
Farmaajo oo dowguduudda Guriceel ku dakeynaya
Gaas oo Dhuusamareeb ku soo booqday dugsigii uu ka baxay
Ciidamada Ahlu Sunna oo la qarameeyay
Damaashaadka Culimada, Goobweyn ayay ka shidantahay