Hirshabeelle oo yeelatay gole fulin oo rasmi ah

Published: December 27, 2017

Kn: Baarlamaanka Hirshabeelle oo mar kale dib u fadhiistay kadib markii shalay ay xildhibaano ku filan soo xaadiriwaayeen ayaa maanta ansixiyay golaha fulinta ee maamul gobolleedka Hirshabeelle.

77 xildhibaan ayaa codka ogolaansha siiyay golaha fulinta ee cusub halka 2 xildhibaan yiraahdeen ma ogolin. Golaha fulinta Hirshabeelle ee la ansixiyay ayaa isla markiiba horay laga dhaariyay. Madaxweynaha Hirshabeelle, Dr. Maxamed Cabdi Waare oo hadal kooban ka jeediyay madasha lagu dhaariyay golihiisa fulinta ayaa sheegay in waxa ugu horeeya ee maamulkiisu qaban doono ay tahay hagaajinta amaanka, furista jidadka kala xiran ee degmooyinka maamulka Hirshabeelle iyo dib u dhiska jidka laamiga ee isku xira magaalada Jowhar iyo caasimadda Qaranka ee Muqdisho.

Hirshabeelle ayaa u muuqata inay ka soo doogsatay xiisad siyaasadeed oo intii muda ahba ragaagisay horusocoshada iyo taaboqaadka maamulka gobolleedka Hirshabeelle, waxaana hadeer laga dhawrayaa madaxweyne Waare iyo golihiisa fulintu inay gobolka mudo kooban uga dabageeyaan maamulladii ka horeeyay ee ku talaabsaday dariiqa horumarka iyo abuurista jawi wadanoolaansho oo isu soo dhaweeya bulshaweynta Soomaaliyeed ee ku nool gobollada uu ka arimiyo maamulka Hirshabeelle iyo waliba kuwa dariska la ah.

Dabayaaqadii bishii tagtay ayay ahayd markii Waare uu magacaabay golihiisa wasiirada oo ka koobnaa 47 xubnood, kuwaasi oo kala ahaa 20 wasiir, 20 wasiir kuxigeen iyo 7 wasiiru dowleyaal.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Maxaabiis Hindiya ku xirnayd oo dalka la keenay
Farmaajo oo dowguduudda Guriceel ku dakeynaya
Gaas oo Dhuusamareeb ku soo booqday dugsigii uu ka baxay
Ciidamada Ahlu Sunna oo la qarameeyay
Damaashaadka Culimada, Goobweyn ayay ka shidantahay