Ciyaartoydii Jubbaland oo wali damaashaad ku jirta

Published: December 28, 2017

Kn: Ciyaartoydii Jubbaland ee qaaday koobkii gobollada ayaa wali martiqaad, xaflado iyo damaashaad ku jira. Xaflad ay ka qayb galeen madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Jubbaland iyo masuuliyiin kale oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu wayneeyay guusha xulka dhalinyarada Isboortiga ee Jubbaland.

Xafladda oo dad badani ka soo qayb galeen kadib, kooxda waxaa casuumaad ugu sameeyay aqalka martida Jubbaland ee loo yaqaano Daawad, dadka qaarkiina ay ugu yeeraan Sharma Sheekh madaxweynaha dawlad gobolleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam.

Dhalinyarada oo maqsuud ku ah xafladdii ay ka qayb galeen oo hadiyado lagu gudoonsiiyay ayaa madaxweynuhuna sidoo kale uu soo dhawayn iyo sharfid u sameeyay. Axmed Madoobe ayaa dhalinta kula dardaarmay inay ka fogaadaan kooxaysiga iyo qabyaaladda isla mar ahaantaana ay ka shaqeeyaan walaalnimada iyo wadanoolaanshaha, wuxuuna balanqaaday in wasaaradda Ciyaaraha dib u habayn lagu samayn doono, xulka gobolkana loo samayn doono mushaar joogta ah oo kufilan.

Axmed Madoobe+kooxda Jubbaland Axmed Madoobe+kooxda Jubbaland1 Axmed Madoobe+kooxda Jubbaland2 Kooxda Jubbaland Kooxda Jubbaland1


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Maxaabiis Hindiya ku xirnayd oo dalka la keenay
Farmaajo oo dowguduudda Guriceel ku dakeynaya
Gaas oo Dhuusamareeb ku soo booqday dugsigii uu ka baxay
Ciidamada Ahlu Sunna oo la qarameeyay
Damaashaadka Culimada, Goobweyn ayay ka shidantahay