Qeybdiid oo loo kala baratamayo

Published: December 31, 2017

Kn: Wax u muuqda loolan siyaasadeed oo hor leh ayaa weerarkii loo gaystay hoyga Cabdi Qeybdiid uu ka dhex abuuray dawladda iyo kooxaha mucaaradka ku ah. Kooxaha mucaaradka ku ah xukuumadda Kheyre ayaa maanta hoygiisa ku booqday Cabdi Qeybdiid ayagoo muujinaya dareen ah in dawladdu ay si ulakac ah u weerartay isla mar ahaantaana ay isku ciidan ahaayeen kuwii fuliyay hawlagalkii ka dhacay guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo kan Cabdi Qeybdiid.

Saacado kadib, ra’iisul wasaare Kheyre oo doonaya inuu masaxo diradiraynta kooxaha mucaaradka ayaa Cabdi Qeybdiid ku soo booqday gurigiisa, asagoo u sheegay inuusan weerarka wax ka ogayn dawladduna shuqul ku lahayn. Wuxuu sidoo kale balanqaaday in cadaaladda la horkeenayo ciddii kadanbaysay ayadoo xukuumaddiisu u saartay gudi madaxbanaan oo baaritaan ku sameeya cidda fulisay iyo cidda amartay labadaba.

Cabdi Qeybdiid oo ah gudoomiyaha gudiga Dastuurka ee labada gole, golaha wakiilada iyo golaha shacabka ayay xukuumadda iyo mucaaradkeeduba u arkaan fursan ay weerar iyo weerar celin ku kala samayn karaan. Mucaaradka ayaa u arka hadii ay Qeybdiid ka horkeenaan dawladda inuu markaasi abuuri karo fursad mooshin looga keeni karo halka Kheyre iyo xukuumaddiisu ay rabaan inaysan arintaasi dhicin oo Qeybdiid ay ka kasbadaan mucaaradka.

Sida cad Qeybdiid waa la weeraray, si rasmi ahna looma oga cidda ka danbaysay walow farta lagu fiiqayo  ciidamada ay Imaaraadku tabobareen ee xaruntooda ku xaraysan kuwaasi oo ay ayagu wali maamulaan, dhaqaalahoodana bixiiyaan.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Maxaabiis Hindiya ku xirnayd oo dalka la keenay
Farmaajo oo dowguduudda Guriceel ku dakeynaya
Gaas oo Dhuusamareeb ku soo booqday dugsigii uu ka baxay
Ciidamada Ahlu Sunna oo la qarameeyay
Damaashaadka Culimada, Goobweyn ayay ka shidantahay