Baled-Xaawo oo laga furay xarun baasaboorada laga bixiyo

Published: January 2, 2018

Baled-Xaawo+laanta socdaalkaKn: Laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa markii ugu horaysay taariikhda magaalada Baled-Xaawo ka hirgalisay xarun laga qaato baasaboorka qaranka Soomaaliya.

Xaruntan ayaa waxaa xarigga ka jaray wafti ka kala socday dawladda federaalka iyo maamul gobolleedka Jubbaland, kuwaasi oo sidoo kale u yimid magaalada inay indho indheeyaan muran xagga xuduudda ah oo dawladda Kenya ay ka dhisayso gidaar kala qaybiya labada shacab ee walaalaha ah.

Xaruntan ayaa sahli doonta in shacabka gobolku ay ka baaqsadaan inay safar dheer u galaan helitaanka Baasaboorka Soomaaliga, waxayna ku soo aadaysaa xili xafiiskan oo kale laga hirgaliyay magaalooyinka Kismaayo iyo Dhoobley. Magaalada Doolow ayaa ayana la filayaa in laanta socdaalka iyo jinsiyaduhu ka hirgaliyaan xasiifka bixinta baasaboorada. Sidoo kale xafiiskani wuxuu bixin doonaa fiisooyinka dal ku galka ah si loola socdo dadka dalka soo galaya iyo kuwa ka baxaya.

Wasiirka arimaha gudaha, mudane Juxa iyo madaxweyne ku xigeenka koobaad ee Jubbaland, mudane Maxamuud Sayid oo uu weheliyo agaasimaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha, mudane Jimcaale ayaa xarigga ka jaray xarunta.

Madaxda dawladda gobolleedka Jubbaland ayaa dadaal dheer ku bixiyay hirgalinta xarumaha ay laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ka hirgalinayso deegaamada maamul gobolleedka Jubbaland si ay shacabka deegaanka ugu fududaato helidda adeegga dawliga ee kow uu ka yahay baasaboorka qaranka.

 


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Maxaabiis Hindiya ku xirnayd oo dalka la keenay
Farmaajo oo dowguduudda Guriceel ku dakeynaya
Gaas oo Dhuusamareeb ku soo booqday dugsigii uu ka baxay
Ciidamada Ahlu Sunna oo la qarameeyay
Damaashaadka Culimada, Goobweyn ayay ka shidantahay