Gudoomiyaha maxkamadda ciidanka oo Aabihiis la dilay

Published: January 2, 2018

Kn: Ayadoo shalay uun ay ahayd markii maxkamadda ciidamada la horkeenay eedaysaneyaal lala xiriirinaayo qarixii 14-kii Octobar ka dhacay isgoyska Zoobe, ayaa waxaa goor dhawyto la dilay Aabihii dhalay gudoomiyaha maxkamadda darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida.

Col.  Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Aabihiis Cali Nuur lagu weeraray gurigiisa oo ku yaala xaafadda Dharkeyn leey, kadibna rasaas oodda looga qaaday. Cali Nuur oo asagoo dhaawac ah loola rooray rugta caafimaadka ayaa nasiib daro tiisii halkaasi ku dhamaatay. Gacan laguma hayo, lamana oga ciddii ka danbaysay dilkaasi foosha xun ee loogaystay Allaha u naxariistee duq Cali.

Lama oga falkani inuu aargoosi yahay oo xiriir la leeyahay koox shalay la horkeenay maxkamadda ciidamada qalabka sida oo loo haysto qarixii isgoyska Zoobe iyo in kale.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Maxaabiis Hindiya ku xirnayd oo dalka la keenay
Farmaajo oo dowguduudda Guriceel ku dakeynaya
Gaas oo Dhuusamareeb ku soo booqday dugsigii uu ka baxay
Ciidamada Ahlu Sunna oo la qarameeyay
Damaashaadka Culimada, Goobweyn ayay ka shidantahay