Farmaajo oo u jihaysan dhanka Garoowe

Published: January 4, 2018

Kn: Madaxweynaha dawladda federaalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa la filayaa inay gaaraan xarunta dawlad gobolleedka Puntland ee Garoowe.

Wafti hordhac ah iyo ciidamo amaanka wax ka suga ayaa maanta ayagoo ceelalyo ah Garoowe uga hormaray madaxweynaha. Socdaalka madaxweynaha ee Garoowe ayaa noqonaaya markii ugu horaysay ee uu  soo booqdo deegaamada Puntland tan iyo intii uu hogaanka dalka kala wareegay madaxweynihii hore Xasan Sh. Maxamuud.

Lama oga ujeeddada dhabta ah ee ka danbaysa socdaalka Madaxweynaha, laakiin waxay dadka qaar leeyihiin Farmaajo waxuu soo madaxsalaaxayaa Cabdiwali Gaas oo ah gudoomiyaha golaha ay ku midoobeen maamul gobolleedyadu.

Madaxweynaha ayaa horay u booqday Baydhabo iyo Kismaayo oo xarumo ku meel gaara u ah maamul gobolleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Maxaabiis Hindiya ku xirnayd oo dalka la keenay
Farmaajo oo dowguduudda Guriceel ku dakeynaya
Gaas oo Dhuusamareeb ku soo booqday dugsigii uu ka baxay
Ciidamada Ahlu Sunna oo la qarameeyay
Damaashaadka Culimada, Goobweyn ayay ka shidantahay