Garoonka diyaaradaha ee Garoowe oo la dhamaystiray

Published: January 6, 2018

Kn: Garoonka caalamiga ee xarunta maamul gobolleedka Puntland ee Garoowe laga hirgalay ayaa la dhamaystiray isla mar ahaantaana diyaargow ugu jira qaabilaadda madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Garoonkan oo malaayiin doolarka Maraykanka  ay ku kacday dhismihiisa, ayaa la filayaa inay si wadajir ah xarigga uga wada jaraan Farmaajo iyo Cabdiwali Gaas.

Puntland oo ku talaabsatay horumar balaaran ayaa hadeer leh sadex garoon diyaaradeed oo caalimi ah kuwaasi oo kala ah Gaalkacayo oo loogu magacdaray Cabdullahi Yusuf, Boosaaso iyo midkan hadeer farta laga qaaday ee Garoowe. Hurumarka noocan oo kale ahi wuxuu tusaale u yahay wanaagga ay leedahay in dawladnimada hoos loo daadajiyo si koboca dhinaca dhaqaalaha iyo horumarka dhinaca adeegga bulshadu ay kor ugu kacaan.

Waxaa xusid mudan in inta badan deegaamada Puntland uusan ka jirin wax horumar ah xiliyadii ay Soomaaliya lahayd dawladda dhexe, waxaana dhici jirtay in dhaqaalo dheeraad ah loo qori jiray masuulka loo badalo gobolladaasi.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Maxaabiis Hindiya ku xirnayd oo dalka la keenay
Farmaajo oo dowguduudda Guriceel ku dakeynaya
Gaas oo Dhuusamareeb ku soo booqday dugsigii uu ka baxay
Ciidamada Ahlu Sunna oo la qarameeyay
Damaashaadka Culimada, Goobweyn ayay ka shidantahay