Muuse Biixi oo Jabuuti mahadnaq ugu tagay

Published: January 6, 2018

Kn: Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa si heer caalami ah loogu soo dhaweeyay dalka Jabuuti kadib markuu casuumad ka helay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.

Muuse oo madaarka ay ku soo dhaweeyeen kooxda baambayda iyo qaar kamid ah wasiirada dalka Jabuuti ayaa markii danbe loo galbiyay aqalka Madaxtooyada oo sidoo kale qaabilaad qalbi furan uu kala kulmay Ismaaciil Cumar Geele. Labada nin ee isu seediga ah, waa Ismaaciil iyo Muusee ayaa si naxli la’aan ah salaan shafka isu saaray taasi oo u muuqatay inay labadooduba lahaayeen waynu guulaysanay maadaama xiligii doorashada Muuse lagu xamanaayay inuu lacag badan ka helay madaxweyne Geele oo rabay inuu soo saaro Muuse, halka Ciro lagu xamanaayay inuu Muqdisho ka helay lacagtii uu doorashada ku galay.

Sidaydooniba ha ahaatee, socdaalka uu Muuse ku tagay Jabuuti iyo qaabka loo qaabilay ayaa macno u samaynaya shacabka Soomaaliland iyo waliba Muuse iyo xukuumaddiisa. Socdaalka uu madaxweynaha Somaliland ku tagay Jabuuti ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay ee banaanka uu ugu safro tan iyo intii xilka loo magacaabay, waxaase u yaala shaqo badan oo ay tahay inuu wax ka qabto kuwaasi ooy ugu horeeyaan sixirbararka iyo shaqo la’aanta baahsan ee haysata dhalinyarada Somaliland oo mujtamaca ka ah wax ka badan 75%. Walaalaynta dadkii siyaasadda ku kala irdhoobay iyo nabadaynta meelaha ay colaad beeleedyadu ka jiraan ayaa sidoo kale laga sugayaa inuu wax ka qabto. Muuse Biixi waxaa hadeer u furmay boggag cusub oo ay tahay inuu asagu wax ku qorto, doorashada iyo dookha xumaan iyo samaan midka ay noqonaysana waxay ku xirnaan doontaa hadba talaabooyinka uu qaado si lamid ah siyaasiyiintii ka horeeyay oo midba wax lagu xusuusto, laakiin KismaayoNews waxay oran lahayd, waarimayside war hakaa haro.

 


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Maxaabiis Hindiya ku xirnayd oo dalka la keenay
Farmaajo oo dowguduudda Guriceel ku dakeynaya
Gaas oo Dhuusamareeb ku soo booqday dugsigii uu ka baxay
Ciidamada Ahlu Sunna oo la qarameeyay
Damaashaadka Culimada, Goobweyn ayay ka shidantahay