Farmaajo oo iska xaadiriyay fagaaraha Garoowe

Published: January 7, 2018

Kn: Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo socdaal kiisii ugu horeeyay ee uu ku bixiyo Puntland ku tagay magaalada Garoowe ayaa boqolaal shacab ah gacanta ugu haadiyay barxadda farasmagaalaha.

Madaxweynaha oo garoonka at ku soo dhaweeyeen Cabdiwali Gaas iyo xukuumaddiisa, xildhibaano heer gobol ah iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa xarigga ka jaray Garoonka oo dhawaan farta laga qaaday kadibna loo galbiyay xarunta madaxtooyada ee maamul gobolleedka Puntland.

Farmaajo oo wajigiisa ay ka muuqato farxad ayaa gacanta u haatinaayay boqollaal kamid ah shacabka ku dhaqan Garoowe kuwaasi oo tubnaa dhinacyada jidka ka soo baxa garoonka ee aada madaxtooyada. Madaxweynaha ayaa sidoo kale saaka soo dhagax dhigay iskuulka Xaawo Taako ka hor inta uusan ka soo duulin caasimadda qaranka ee Muqdisho.

Socdaalka madaxweynaha ayaa ku qotoma sidii madaxda Puntland oo madaxweyne Cabdiwali Gaas ugu horeeyo ay dawladda Farmaajo u kasban lahayd uguna qancin lahayd inay ka baaqsato xiriirka kala qaybinta ee Imaaraadku ka dhex wado dawladda dhexe iyo maamul gobolleedyada. Gaas oo ahaa ninka ugu cadcaddaa dhinaca taageerista xulufada Imaaraadka ayaa sidoo kale ah gudoomiyaha madasha ay ku bohoobeen afarta maamul gobolleed ee Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Maxaabiis Hindiya ku xirnayd oo dalka la keenay
Farmaajo oo dowguduudda Guriceel ku dakeynaya
Gaas oo Dhuusamareeb ku soo booqday dugsigii uu ka baxay
Ciidamada Ahlu Sunna oo la qarameeyay
Damaashaadka Culimada, Goobweyn ayay ka shidantahay