Farmaajo oo Galmudug ku waajahan

Published: January 10, 2018

Kn: Ayadoo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu socdaal ku marayo qaybo kamid ah maamul gobolleedka Puntland ayaa la filayaa inuu cagta sii mariyo deegaamo kamid ah maamul gobolleedka Galmudug.

Wafti ceelalyo u ah madaxweynaha ayaa maanta gaaray magaalada Guriceel waxayna u gudbi doonaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta rasmiga ee maamul gobolleedka Galmudug.

Farmaajo ayaa inta uu booqashada ku joogo Galmudug, wuxuu ka qayb gali doonaa xaflad lagu gunaanadayo heshiiskii dhexmaray Ahlu Sunna iyo Galmudug taasi oo lagu dhamaystiraayo isku shaandhaynta maamulka cusub ee Galmudug yeelanayso. Sidoo kale madaxweynaha ayaa la filayaa inuu booqdo magaalooyinka Caabud-waaq, Guriceel iyo Cadaado.

Lama shaacin in madaxweynuhu u sii gudbi doono magaalada Baledweyne iyo in kale. Madaxweynaha oo intii muda ahba la kulmayay eedaymo ku aadan safaradiisa dibadda ayaa markan u muuqda inuu u soo guntaday ka dhabaynta halhayska dawladdiisa ee ahaa “dawladda dib u heshiisiineed”.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Maxaabiis Hindiya ku xirnayd oo dalka la keenay
Farmaajo oo dowguduudda Guriceel ku dakeynaya
Gaas oo Dhuusamareeb ku soo booqday dugsigii uu ka baxay
Ciidamada Ahlu Sunna oo la qarameeyay
Damaashaadka Culimada, Goobweyn ayay ka shidantahay