Farmaajo oo loo haddiyeeyay faras shaaximan

Published: January 10, 2018

Kn: Boqorka beesha Daarood Boqor Burhaan ayaa magaalada Qardho ku guddoonsiiyay madaxweyne Maxamed Farmaajo haddiyad aan iyada oo kale uusan horey u guddoomin.

Boqorka oo marti loo ahaa ayaa madaxweynaha guddoonsiiyay faras iyo go’ shaal ah oo ay labaduba Soomaalida dhaqan ahaan caan ku tahay.

Waa hab maamuuskii ugu sareeyay oo qof madax Soomaali ah lagu maamuusi lahaa, waana arrin soo jirtay illaa xiligii dowladnimada ka hor oo Soomaalida xeerka ay ku dhaqmi jirtay.

Madaxweynaha ayaa safar dhulka ah oo boqolaal kiilo mitir ah galay markii ugu horeysay tan iyo intii uu qabtay xilka madaxweynenimada Soomaaliya.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Maxaabiis Hindiya ku xirnayd oo dalka la keenay
Farmaajo oo dowguduudda Guriceel ku dakeynaya
Gaas oo Dhuusamareeb ku soo booqday dugsigii uu ka baxay
Ciidamada Ahlu Sunna oo la qarameeyay
Damaashaadka Culimada, Goobweyn ayay ka shidantahay