Reer Boosaaso oon u kala harin soodhawaynta Farmaajo

Published: January 11, 2018

Kn: Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaal dhinaca dhulka ah ku bixinaaya deegaamada Maamul Gobolleedka Puntland ayaa si meeqaam sare ah  loogu soo dhaweeyay magaalada Boosaaso kadib markii uu ka soo socdaalay magaalada Qardho.

Farmaajo ayaa dariiqyada waxaa u tubnaa malaha dadkii ugu badnaa ee madaxweyne soo dhaweeya tan iyo burburkii dalka marka laga doorashadiisii kadib oo shaashadda uu kala socday damaashaad loo sameeyay oo daafaha caalamka ka dhacay. Kumannaan shacab ah oo warfinaya calanka qaranka Soomaaliyeed iyo sawirrada madaxweynaha ayaa qalbi furan ku soo dhaweeyay Farmaajo iyo madaxdii kale ee galbinaysay oo uu ku jiray madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Gaas

Waxaa la sheegayaa in socdaalka uu Farmaajo ku tagay Puntland uu galiyay hami iyo yididiilo cusub, wuxuuna yaqiinsaday in Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan ay doonayaan dawlad si dhab ah uga hanaqaada Soomaaliya laakiin ay ka socon la’adahay siyaasiyiin danaystayaal ah oo badankood dalaal u ah dalal shisheeye. Hadaba su’aashu waxay tahay sida uu Farmaajo u maqsuuday ma uga hawlgali doonaa yaqleelista qarannimadii luntay mise barkintiisa ayuu dheeraysan marka uu Xamar iyo xertiisa dib ugu laabto.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Maxaabiis Hindiya ku xirnayd oo dalka la keenay
Farmaajo oo dowguduudda Guriceel ku dakeynaya
Gaas oo Dhuusamareeb ku soo booqday dugsigii uu ka baxay
Ciidamada Ahlu Sunna oo la qarameeyay
Damaashaadka Culimada, Goobweyn ayay ka shidantahay