Madaxweyne Xaaf oo u horadhigay madaxweyne Farmaajo

Published: January 12, 2018

Kn: Madaxweynaha maamul gobolleedka Galmudug, Axmed Ducaale Xaaf ayaa gaaray magaalada Gaalkacayo si uu halkaasi ugu soo dhaweeyo madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliyeed, mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadeer ku sugan Boosaaso.

Xaaf ayaa la wareegi doona maamuuska iyo martigalinta wafuudda uu hor kacayo Farmaajo kadib marka uu soo gaaro magaalada Gaalkacayo, waxaana la filayaa inay socod dhanka dhulka ah ku maraan magaalooyinka muhiimka ah ee maamulka Galmudug.

Xaaf iyo Farmaajo ayaa sidoo kale magaalada Dhuusamareeb kaga qayb-gali doona munaasabad lagu soo afmeerayo heshiiskii dhawaan dhexmaray Galmudug iyo Ahlusunna. Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in loo dalxiis geeyo magaalooyin ay kamid yihiin Caabudwaaq, Guriceel iyo Cadaado.

Wali ma cadda in Farmaajo uu cagta sii marin doono maamulka Hirshabeelle iyo in kale ka hor inta uusan dib ugu laaban caasimadda Qaranka Soomaaliyeed ee Muqdisho.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Maxaabiis Hindiya ku xirnayd oo dalka la keenay
Farmaajo oo dowguduudda Guriceel ku dakeynaya
Gaas oo Dhuusamareeb ku soo booqday dugsigii uu ka baxay
Ciidamada Ahlu Sunna oo la qarameeyay
Damaashaadka Culimada, Goobweyn ayay ka shidantahay