Farmaajo oo ay u kala kacday socdaalkii Gaalkacayo

Published: January 13, 2018

Kn:Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti uu hogaaminaayay oo saaka kasoo kicitimay Boosaaso ayaa soo gaaray Gaalkacayo wuxuuna kala kulmay soo dhawayn aysan u kala harin labada daraf ee magaalada oo caadiyan kala qaybsan.

Kumanaan qof oo warfinaya calanka qaranka ee xidigta shanta gees leh iyo sawirka madaxweyne Farmaajo ayaa wadooyinka tubnaa kadibna madaxweynaha oo dadka dhex booday ayaa meel fagaare ah kula hadlay bulshada Gaalkacayo.

Madaxweynaha oo qiiro iyo shucuur sare ay ka muuqato ayaa sheegay inuusan Gaalkacayo ka tagaynin ilaa magaalada laga midooye. “Hadii magaalada la midooye waxay noqon kartaa xarunta ganacsiga gobolka” ayuu yiri Farmaajo oo muujinayay ahmiyadda ay leedahay Gaalkacayo oo nabad ah isla mar ahaantaana mid ah. Reer Gaalkacayo ayaa madaxweynaha gudoonsiiyay neef geel ah oo dushiisa lagu buufiyay calanka Soomaaliya.

Farmaajo oo socdaal dhanka dhulka ah ku bixiyay magaalooyin badan oo Puntland ah ayaa la filayaa inuu cagta sii mariyo Cadaado iyo Dhuusamareeb, waxaana la oran karaa safarkan uu madaxweynuhu kaga soo baxay caasimadda dalka ee ilaa iyo hadda uu ku gudajiro madaxtinimadiisu way u kala kacday waan markii koobaad ee si dhab ah uu u dareemay in shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin dawladnimo asaguna uu yahay madaxweynahoodii.

Waxaa muuqata in shacabku kaalintoodii ka soo bexeen, waxa la sugaana waa talaabooyinka ugu horeeya ee madaxweyne Farmaajo qaadi doono marka uu dib ugu noqdo xarunta dalka looga taliyo ee Villa Somalia.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Maxaabiis Hindiya ku xirnayd oo dalka la keenay
Farmaajo oo dowguduudda Guriceel ku dakeynaya
Gaas oo Dhuusamareeb ku soo booqday dugsigii uu ka baxay
Ciidamada Ahlu Sunna oo la qarameeyay
Damaashaadka Culimada, Goobweyn ayay ka shidantahay