Axmed Madoobe oo la kulmay ducaaddii Kismaayo timid

Published: January 14, 2018

Kn: Madaxweynaha dawlad gobolleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa hoyga martida ku qaabilay culimo awdiinkii Soomaaliyeed ee ilaa iyo shalay ku soo qulqulayay magaalada Kismaayo si ay bulshada uga wacyigaliyaan xumaanta.

Madaxweyne Axmed iyo Ducaadda ayaa si kal iyo laab ah isu qaabilay isagana xog-waraystay xaaladda guud ee dalka iyo tan gobolka. Culimada ayaa madaxweyne Axmed oo asaga laftigiisu Sheekh muxtarim ah ay la wadaageen qorshahooda oo ahmiyaddiisa koobaad ay tahay inay dadka ku dhiiri galiyaan muhiimadda ay leedahay in qabyaaladda laga tago oo midnimada iyo walaalnimada la adkeeyo.

Axmed Madoobe ayaa culimada ku dhiirigaliyay hawsha ay u socdaani inay tahay jidka ugu haboon ee looga hortagi karo dhalinyarada ay maskaxda ka khaldayaan dhagarqabayaasha aan maatida, waayeelka iyo haweenka kala soocayn ee isku si u gumaadaya.

Axmed Madoobe oo looga bartay sooryo fiican iyo inuu martida u roonaado ayaa si wanaagsan u qaabilay Ducaadda Soomaaliyeed.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xamar oo lagu sheegay gawaari qarax lagu rakibay
Farmaajo oo qaabilay ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga
Axmed Madoobe oo qaabilay danjiraha midowga Yurub
1500 maxbuus oo xabsiga Jigjiga laga sii daayay
Shir looga hadlay amniga Jubbalanad oo Kismaayo lagu qabtay