Galmudug oo Farmaajo si diiran u qaabishay

Published: January 14, 2018

Kn: Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa maanta si wanaagsan loogu soo dhaweeyay Koonfurta magaalada Gaalkacayo oo uu ka arimiyo maamul gobolleedka Galmudug.

Kumannaan shacab ah oo warfinaya calanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyo calanka madaxweynaha ayaa si kalgacal iyo dareen wadaniyadeed ka muuqdo u soo dhaweeyay Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Xaaf ayaa si wadajir ah u dhexqaaday shacabka isla mar ahaantaana kula hadlay meel barxad ah dad tiro badan oo u soo banbaxay inay madaxweynaha Soomaaliya arkaan, dhagaystaanna. Sidoo kale Farmaajo iyo Xaaf waxay si wadajir ah u dhagax dhigeen wado isku xirta magaalooyinka Gaalkacayo iyo Hobyo taasi oo la rabo in laami la saaro mustaqbalka dhaw hadii Eebe idmo.

Farmaajo oo soo dhamaystay socdaalkii uu ku marayay maamul gobolleedka Puntland ayay hadeer u bilaabatay socdaalkii qorshaysnaa ee uu ku gaalaabixinayay deegaamada Galmudug.

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa maridoona, magaalooyinka Cadaado, Dhuusamareeb iyo Caabudwaaq ayadoo ay wali hubanti la’aan tahay inuu magaalada Guriceel cagta sii marin doono iyo in kale.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xamar oo lagu sheegay gawaari qarax lagu rakibay
Farmaajo oo qaabilay ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga
Axmed Madoobe oo qaabilay danjiraha midowga Yurub
1500 maxbuus oo xabsiga Jigjiga laga sii daayay
Shir looga hadlay amniga Jubbalanad oo Kismaayo lagu qabtay