Kismaayo oo lagaga shawray ka gaashaamadka abaaraha

Published: January 14, 2018

Kn: Shir ay isla agaasimeen wasaaradaha qorshaynta dawladda federaalka iyo tan maamul gobolleedka Jubbaland ayaa lagu qabtay magaalada Kismaayo.

Shirkan oo ay kasoo qayb galeen agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha dawlad gobolleedka Jubbaland ayaa lagu lafo guray sidii looga baaraandagi lahaa abaaraha iyo masiibooyinka dabiiciga waxaana madasha lagu soo bandhigay shac lagu cabiraayo ama looga qiyaas qaadanayo tixraac ahaan abaarihii hore ee soomaray deegaamada maamul gobolleedka Jubbaland.

Kulankan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa oo kale ah oo dhex mara dawladd gobolleedka Jubbaland iyo dawladda federaalka, waxaana la rajaynayaa in lagu baahiyo gobollada kale ee dalka si si siman dalka oo dhan looga diyaargaroobo.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xamar oo lagu sheegay gawaari qarax lagu rakibay
Farmaajo oo qaabilay ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga
Axmed Madoobe oo qaabilay danjiraha midowga Yurub
1500 maxbuus oo xabsiga Jigjiga laga sii daayay
Shir looga hadlay amniga Jubbalanad oo Kismaayo lagu qabtay