Mu’tamarkii ugu horeeyay oo Kismaayo lagu qabanayo

Published: January 14, 2018

Kn: Xarunta ku meel gaarka ee maamul gobolleedka Jubbaland, Kismaayo ayaa waxaa ka dhacay mu’tamarkii ugu horeeyay oo ay ka qayb galayaan Culimo badan oo caan ah.

Culimadan oo ka kala imaanaya dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ayaa intooda badan ay soo gaareen Kismaayo halka inta hartayna la filaayo inay magaalada yimaadaan maalmaha foodda inagu soo haya.

Qorshaha ayaa ah in dhamaan masaajidda magaalada ay culimadu ka akhriyaan duruus dadka looga wacyigalinaayo xumaanta qabyaalada iyo muhiimadda ay leedahay toosnaanta iyo ka dheeraanta fawaaxishta.

Waxay noqonaysaa markii ugu horaysay ee taariikhda Kismaayo oo culimo intaasi le’eg ay isugu tagaan si ay dadka uga wacyigaliyaan xumaanta una faraan wanaagga. Dabcan mawduucyada kama marnaan doonaan in dhalinyarada looga digo khatarta ay diiniyan leedahay ku shaqaynta fikirka dhiig muslim banaysiga ah ee ay ku hawlgalaan maleeshiyaadka Alshabaab iyo wixii la halmaala.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xamar oo lagu sheegay gawaari qarax lagu rakibay
Farmaajo oo qaabilay ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga
Axmed Madoobe oo qaabilay danjiraha midowga Yurub
1500 maxbuus oo xabsiga Jigjiga laga sii daayay
Shir looga hadlay amniga Jubbalanad oo Kismaayo lagu qabtay