Farmaajo oo Cadaado ku hoyday

Published: January 15, 2018

Kn: Madaxweyne Farmaajo iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa caawa u hoyana magaalada Cadaado, xarunta ku meel gaarka ee maamul gobolleedka Galmudug kadib markii uu safar dhinaca dhulka ah ka soo galay magaalada Gaalkacayo.

Magaalada Bandiiradley oo ay kusii hakadeen inta ayna Cadaado gaaranin ayay shacabka magaaladu tubnaayeen jidka hareerihiisa ayagoo garaacayay durbaanno iyo sacab isla mar ahaantaana ay lulayeen calanka qaranka iyo sawirada madaxweynaha.

Kadib marka ay u jihaysteen Cadaado ayaa Madaxweynaha oo ay galbinayeen ciidamada amaanka  iyo madaxda ugu saraysa Galmudug oo madaxweyne Xaaf ugu horeeyo ayaa afaafka hore ee magaalada Cadaado waxaa kusii sugayay shacab warfinaya calanka Soomaaliya iyo sawirka madaxweynaha.

Waftiga madaxweynaha ayaa loo galbiyay aqalka madaxtooyada Galmudug waxaana la rajaynayaa inuu maalinta berri ah inuu u gudbo dhinaca magaalada Dhuusomareeb oo ay ka dhacayso xaflad lagu soo gunaanadayo heshiiskii dhawaan dhex maray Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Lama oga sida uu madaxweynuhu u qancin dooni cabashada ay Reer Cadaado ka qabaan heshiiskii dhex maray labada daraf ee Ahlu Sunna iyo Galmudug kaasi oo dhigayay in caasimadda loo wareejiyo Dhuusomareeb. Waxaa la sheegayaa inuusan madaxweynuhu kala kulmin Cadaado soo dhaweyn lamid ah kuwii meeqaamka sare lahaa ee uu kala kulmay Puntland iyo Koonfurta Gaalkacayo.

 


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xamar oo lagu sheegay gawaari qarax lagu rakibay
Farmaajo oo qaabilay ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga
Axmed Madoobe oo qaabilay danjiraha midowga Yurub
1500 maxbuus oo xabsiga Jigjiga laga sii daayay
Shir looga hadlay amniga Jubbalanad oo Kismaayo lagu qabtay