Sh. Umal oo Kismaayo ka degay

Published: January 15, 2018

Kn: Caalimka weyn ee Soomaaliyeed, Sh. Maxamed Macalin Cabdi (Sh. Umal) iyo wafti culimo ah uu hogaaminaayo oo ka tagay dalka Kenya ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay gagida diyaaradaha ee garoonka Caalamiga ee Kismaayo.

Sh. Umal ayaa ku soo biiray ducaad tiro badan oo sadexdii maalmood ee ugu danbaysay ku soo qulqulaysay Kismaayo si ay shacabka magaalada uga wacyigaliyaan xumaanta oo marka dhinaca Soomaalida la eego ay qabyaaladda iyo quursigu hooyo iyo aabo u kala yihiin.

Sheekha iyo waftigiisa ayaa garoonka waxaa ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland, gudoomiyaha rugta ganacsiga Jubbaland iyo, culimo iyo akhyaar kale.

Kismaayo ayaa martigalinaysa culimadii ugu tiro badnayd abid ee taariikhda Kismaayo isugu timaadda si ay dadka uga wacyigaliyaan xumaanta una faraan wanaagga, walaalnimada iyo wada noolaanshaha.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xamar oo lagu sheegay gawaari qarax lagu rakibay
Farmaajo oo qaabilay ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga
Axmed Madoobe oo qaabilay danjiraha midowga Yurub
1500 maxbuus oo xabsiga Jigjiga laga sii daayay
Shir looga hadlay amniga Jubbalanad oo Kismaayo lagu qabtay