Farmaajo oo baroosinka aastay Dhuusamareeb

Published: January 17, 2018

Kn: Kadib markii si diiran loogu soo dhaweeyay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xarunta maamul gobolleedka Galmudug waxa uu u fadhiistay si salmuggii ah ayadoo waliba karuurka caanaha iyo kalaankalka hilibka Geelo is daba dhacaayo.

Waxaan soo xusuustay qasiido lagu dacaayadin jiray wadaaddadii hore oo dhahaysay “laxaha dhuudhuuban iyo riyuhu waa balaayee, wankii barilaa balaayada kaa xijaabee”. Hadeer ka waran qofka dariiqadii Ahlu Sunna u martiyay ayagoo waliba barwaaqo jooga.

Dhuusamareeb waxay doonaysaa sida ay madaxweynaha u sooreen inay badalkeeda u helaan oo dhaqaalaha dawladda dhexe qaybtooda dhinaca maamulka, maaraynta iyo horumarinta ay degdegsiinyo u helaan. Ayadoo la filaayo inuu furmo shirka lagu qabyo tiraayo maamulka Galmudug, heshiiskii dhexmaray labada daraf ayaa magaalada waxaa soo gaaray dhamaan madaxda maamul gobolleedyada marka laga reebo madaxweynaha Jubbaland oo asagu u baaqday hawlo muhiim ah.

Dhuusamareeb ayaa la ciirciiraysa madaxdii iyo waliba dadkii ugu badnaa abid ee halmar ku wada hoyda, waxaana la rajaynayaa inay noqoto barbilaw wanaagsan oo horseeda in magaaladani ka sokow ahaanshaha caasimadda Galmudug ay sidoo kale noqoto magaalo yeelat mudnaantii ay lahaan jirtay barisamaadkii.

 

 


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xamar oo lagu sheegay gawaari qarax lagu rakibay
Farmaajo oo qaabilay ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga
Axmed Madoobe oo qaabilay danjiraha midowga Yurub
1500 maxbuus oo xabsiga Jigjiga laga sii daayay
Shir looga hadlay amniga Jubbalanad oo Kismaayo lagu qabtay