Muuse Biixi oo Itoobiya ka buskiciyay

Published: January 17, 2018

Kn: Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa safarkii 2aad ee dibadda uu uga baxo ku tagay magaalada Adis Abba ee dalka Itoobiya. Muuse oo si maqaam sare ah loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Pole ayaa la kulmay ra’iisal wasaaraha dalkaasi Haylemariam.

Labada masuul ayaa la sheegay inay ka wadahadleen arimo ay kamidyihiin amniga iyo ganacsiga ayadoo meesha aysan kamarnayn isla soo qaadista saldhigga Somaliland ay siisay Isutagga Imaaraadka, taasi oo xulifo dhaw la ah dawladda Masar oo xurguf xagga biyaha wabiga Niil ay ka dhaxayso.

Itoobiya ayaa sheegtay inaysan gorgortan ka galayn hadii ciidamo Masaari ahi ay yimaadaan deegaamada Somaliland. Sidoo kale waxaa wadahadallada ubuc u ahaa dekedda Berbera oo dawladda Itoobiya qandaraas ka haysatay laakiin ay Somaliland heshiis dib u habayn kula gashay shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

Muuse Biixi ayaa dhankiisa isku dayaya inuu Itoobiya ku qanciyo in heshiiska ay Somaliland la gashay Imaaraadka aysan waxba u dhimayn xiriirka labada daraf ay horay u gaareen ee ku saabsanaa amaanka iyo ganacsiga.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xamar oo lagu sheegay gawaari qarax lagu rakibay
Farmaajo oo qaabilay ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga
Axmed Madoobe oo qaabilay danjiraha midowga Yurub
1500 maxbuus oo xabsiga Jigjiga laga sii daayay
Shir looga hadlay amniga Jubbalanad oo Kismaayo lagu qabtay