Xarunta xalinta khilaafaadka oo Kismaayo laga daahfuray

Published: January 17, 2018

Kn: Xarun ay iska kaashadeen wasaaradda cadaaladda Jubbaland, UNSOM iyo UNDP ayaa laga hirgaliyay xarunta ku meel gaarka ee maamul gobolleedka Jubbaland, Kismaayo.

Munaasabad lagu daahfuray xaruntan oo ka dhacday Kismaayo ayaa waxaa faahfaahin ka bixiyay wasiirka cadaaladda, dastuurka iyo arimaha diinta mudane Aadan Aw Xirsi.

Madasha waxaa ku martiqaadnaa oo ayaguna dhankooda ka dhiibtay wixii fikir ah ee kaga aadan cuqaasha iyo salaadiinta Jubbaland, waxaana sidoo kale goobjoog ahaa xubno ka socday hay’ad Qaramadda midoobay qaybteeda qaabilsan Soomaaliya ee looyaqaano UNSOM iyo hay’adda UNDP.

Xaruntan ayaa ah tii labaad ee laga hirgaliyo deegaamada Jubbaland ayadoo horay looga hirgaliyay magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xamar oo lagu sheegay gawaari qarax lagu rakibay
Farmaajo oo qaabilay ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga
Axmed Madoobe oo qaabilay danjiraha midowga Yurub
1500 maxbuus oo xabsiga Jigjiga laga sii daayay
Shir looga hadlay amniga Jubbalanad oo Kismaayo lagu qabtay