Galmudug oo saldhigtay laakiin Dhuusamareeb oo Cadaado dabamartay

Published: January 18, 2018

Kn: Xili magaalada Dhuusamareeb ay ka socotay xaflad ay ka qaybgaleen madaxda dalka iyo ergooyin ka socday Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka taasi oo lagu dhamaystirayay heshiiska Galmudug ayaa sidoo kale wuxuu shir ka socday magaalada Cadaado oo ahayd caasimaddii ku meel gaarka ee Galmudug.

Shirka Dhuusamareeb ayaa lagu dhamaystiray khilaafkii dhexyaalay maamulka Ahlu Sunna iyo kan Galmudug waxaana markii ugu horaysay calanka Galmudug laga qotomiyay caasimadda dhabta ah ee Dhuusamareeb.

Shirkaa garab socday oo ka dhacay Cadaado ayaa laga soo saaray mamnuucis iyo qaadacaad ku waajahan madaxweyne Xaaf iyo Shaakir, waxaana la sheegay inaysan cagta soo saari Karin magaalada Cadaado iyo deegaamada ku xeeran.

Galmudug waxaa u soo xarooday Dhuusamareeb iyo deegaamo badan oo Ahlu Sunna ka talin jirtay waxaase xarigga goostay oo falaagoobay Cadaado.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xamar oo lagu sheegay gawaari qarax lagu rakibay
Farmaajo oo qaabilay ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga
Axmed Madoobe oo qaabilay danjiraha midowga Yurub
1500 maxbuus oo xabsiga Jigjiga laga sii daayay
Shir looga hadlay amniga Jubbalanad oo Kismaayo lagu qabtay