Ciidamada Ahlu Sunna oo la qarameeyay

Published: January 19, 2018

Kn: Xarunta maamul gobolleedka Galmudug, Dhuusamareeb ayaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa lagu wareejiyay cutubyo ka tirsan ciidamadii Ahlu Sunna ee ka ariminaayay inta badan magaalooyinka gobolka Galguduud iyo qayb kamid ah gobolka Hiiraan.

Xaflad ka dhacday Dhuusamareeb ayuu ciidamadaasi ku gudoomay madaxweynuhu, waxayna hadda wixii ka danbeeya ciidamadaasi kamid noqon doonaan ciidamada qalabka sida ee dawladda federaalka Soomaaliya. Waxay sidoo kale ciidamadani saldhig u noqon doonaan aas-aaska ciidamada qalabka sida qaybtooda 21aad oo saldhiggoodu ahaanjiray barisamaadkii magaalada Dhuusamareeb.

Ahlu Sunna oo haatan si rasmi ah ula midowday maamulkii Galmudug ayaa lahayd ciidamada ugu tirada badan, ugu xoogga badan uguna qalabaysan marka laga hadlayo maleeshiyaadka ka askuman gobollada dhexe.

Talaabadan ay Ahlu Sunna ciidamadeeda ugu wareejisay dawladda dhexe ayaa noqonaysa talaabo aad u wanaagsan oo horseedi karta hadii si xigmadaysan looga faa’iidaysto in sugista amaanka gobollada dhexe  laga hago halmeel si ay u sahlanaato in laga hortago dadka fidmowalayaasha ah ee salka u ahaa shaqaaqooyinka gobolka ka dhaca ee soo noqnoda kuwaasi oo galaafta dad tiro badan.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xamar oo lagu sheegay gawaari qarax lagu rakibay
Farmaajo oo qaabilay ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga
Axmed Madoobe oo qaabilay danjiraha midowga Yurub
1500 maxbuus oo xabsiga Jigjiga laga sii daayay
Shir looga hadlay amniga Jubbalanad oo Kismaayo lagu qabtay