Farmaajo oo dowguduudda Guriceel ku dakeynaya

Published: January 19, 2018

Kn: Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti balaaran uu horkacayay ayaa si aysan u kala harin ay u soo dhaweeyeen shacabka ku dhaqan magaalada Guriceel.

Madaxweynaha oo ay hareereha ka socdeen Xaaf iyo Sh. Shaakir oo kala ah madaxweynaha  iyo ra’iisul wasaaraha Galmudug ayaa boqollaal shacab ah oo jidka hareerihiisa dhoobnaa salaan qalbi furan ugu gacan haatinayay.

Waftiga ayaa socod dheer ku maray jidka laamiga ee magaalada bartankeeda mara, kadibna waxay salka dhigeen madashii loo sii diyaariyay oo caawa dhaylada iyo karuunka la iska dabagaynayo.

Lama hubo inuu madaxweynuhu jidka beegsan doono oo safarka dhinaca dhulka ah uu ka tagi doono magaalooyinka Matamaan iyo Beledweyne.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xamar oo lagu sheegay gawaari qarax lagu rakibay
Farmaajo oo qaabilay ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga
Axmed Madoobe oo qaabilay danjiraha midowga Yurub
1500 maxbuus oo xabsiga Jigjiga laga sii daayay
Shir looga hadlay amniga Jubbalanad oo Kismaayo lagu qabtay