Gaas oo Dhuusamareeb ku soo booqday dugsigii uu ka baxay

Published: January 19, 2018

Kn: Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Gaas ayaa markii ugu horaysay dib ugu noqday magaaladii uu ku barbaaray isla mar ahaantaana soo booqday iskuulkii uu dhiganjiray xiligii uu la hardamayay waxbarashada aas-aasiga ee hoose/dhexe ilaa iyo dugsi sare.

Gaas ayaa indhihiisa ku soo arkay iskuulkii uu dhiganjiy oo dayac aad u ba’an uu ka muuqdo, waxaana laga filayaa maadaama uu hadda aqoonyahan, hadana madaxweyne ka ah mid kamid ah maamul gobolleedyada ugu hormarsan inuu dib u jaleeco Iskuulkaasi oo ugu yaraan si shaqsiya gacan uga gaysto dayactirka iyo huromarintiisa si uu u soo saaro jiilal cusub oo noqda madaxda baritoole ee dalka ama gobolka.

Cabdiwali Gaas oo dadka qaarkii ay sheegaan inuu isla magaalada Dhuusamareeb ku dhashay ayaa waxbarashadiisii dugsiga Hoose, ka Dhexe iyo waliba kan Sare ku soo qaatay isla magaalada Dhuusamareeb. Hadii qof kasta oo Soomaali ah meeshii uu wax ku bartay uu dib u jaleeco oo isku dayo inuu saamayn ku yeesho waxaa yaraan lahayd qabyaaladda ina madax martay, waxaana sare u kici lahaa isdhexgalka bulshada iyo wax wada qabsiga aan haybta ku salaysnayn.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xamar oo lagu sheegay gawaari qarax lagu rakibay
Farmaajo oo qaabilay ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga
Axmed Madoobe oo qaabilay danjiraha midowga Yurub
1500 maxbuus oo xabsiga Jigjiga laga sii daayay
Shir looga hadlay amniga Jubbalanad oo Kismaayo lagu qabtay