Diyaarado barbar isugu dhacay garoonka Muqdisho

Published: January 20, 2018

Kn: Diyaarad rakaab sidda iyo mid ay leedahay UN ayaa gagida diyaaradaha garoonka caalamiga ee Aadan Cadde barbar isugu dhacay.

Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhacay laakiin kaftanka maanta ayaa ah in duuliyaha waday diyaaradda rakaabka siday uu mid kamid ah dadkii saarnaa uu shiday heesta Barbar dabadeed uu duuliyuhu barbar u riday diyaaradda nasiib wanaagse ay ku seexata diyaarad kale oo ka agdhawayd.

Gaadiidka dab-damiska ayaa markiiba ku boobay biyo iyo walxaha kale ee dabka lagu damiyo si ay uga hortagaan inuu dab ka dhasho isku dhaca labada diyaaradood. Heesta Barbar oo xataa culimadu ka qaylisay ayaynu dhihi karnaa hadeer diyaaradihiina barbay bay u tuuraysaa ee inta ayna maraakiibtana barbar u ridin hala gaaro.

Fiiro Gaar ah: Waxaan uga danleenahay sheeko xariir ee run ma aha in diyaaradda loo shiday heesta Barbar.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xamar oo lagu sheegay gawaari qarax lagu rakibay
Farmaajo oo qaabilay ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga
Axmed Madoobe oo qaabilay danjiraha midowga Yurub
1500 maxbuus oo xabsiga Jigjiga laga sii daayay
Shir looga hadlay amniga Jubbalanad oo Kismaayo lagu qabtay