Tartankii ciyaaraha degmooyinka oo kabilawday Kismaayo

Published: January 23, 2018

Kn: Xarunta ku meel gaarka Jubbaland ee magaalo xeebeedka Kismaayo waxaa si habsami leh uga furmay tartanka ciyaaraha kubadda cagta oo ay ku hardami doonaan xulalka darajada sare (Zero A) ee xaafadaha Kismaayo.

Tartanka ciyaaraha oo ka bilawday garoonka cayaaraha ee Waamo ayaa waxaa shalay goobjoog ahaa kulankii furitaanka ee labadii kooxood ee ugu horaysay ay isku hardiyayeen qaar kamid ah madaxda maamul gobolleedka Jubbaland.

Magaalada Kismaayo oo amaankeedu aad u sareeyo, kuna talaabsatay horumar dhinac kasta ah ayaa dhalinyaradu ay hamuun iyo xiiso gooni ah u qabaan ciyaaraha, waxay wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha ee Jubbaland dadaal dheer ku bixisay sidii ay u dhiirigalin lahayd dhalinyaradaasi.

Kooxda ku ciyaarta magaca rugta ganacsiga ayaa maanta gadatay tababarihii xulka maamul  gobolleedka Jubbaland si ay u hantiyaan koobka kooxaha ee ka furmay caasimadda ku meel gaarka ah ee Kismaayo.

Nabaddu waa furaha horumarka, ciyaaruhuna waa halbowlaha isdhexgalka bulshada, waxaana muuqata in Kismaayo ay u jihaysatay dhinaca samawadka iyo waxwada qabsiga taasi oo bilow fiican u ah inay la jaanqaado magaalooyin badan oo daafaha caalamka horumaray ku yaalla.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xamar oo lagu sheegay gawaari qarax lagu rakibay
Farmaajo oo qaabilay ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga
Axmed Madoobe oo qaabilay danjiraha midowga Yurub
1500 maxbuus oo xabsiga Jigjiga laga sii daayay
Shir looga hadlay amniga Jubbalanad oo Kismaayo lagu qabtay