Wafuud ceelalyo u ah Axmed Madoobe oo gaaray Garbahaarey

Published: January 24, 2018

Kn: Madaxweynaha dawlad gobolleedka Jubbaland oo la filaayo inuu booqasho ku bixiyo degmaayinka uu ka koobanyahay gobolka Gedo ayaa waxaa gobol kaasi gaaray wafti ceelalyo u ah booqashadiisa.

Wasiirka Arimaha gudaha Jubbaland, Maxamed Warsame Darwiish, wasiirka amniga, Cabdirashiid Janan iyo masuuliyiin kale ayaa gaaray xarunta gobolka Gedo ee magaalada Garbahaarey waxaana si diiran u soo dhaweeyay masuuliyiinta degmada, saraakiisha ciidamada qaybahooda kala duwan iyo shacabka magaalada.

Ujeedka socdaalka wafuuddan ayaa lagu sheegay inay gogol-xaar u yihiin madaxweynaha maamul gobolleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo booqasho ku mari doona guud ahaan degmooyinka uu ka koobanyahay gobolka Gedo.

Madaxweyne Axmed ayaa hadeer ku sugan caasimadda ku meel gaarka ee Jubbaland asagoo maalmo ka hor ka soo gadoomay safar gaaban oo ku bixiyay caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xamar oo lagu sheegay gawaari qarax lagu rakibay
Farmaajo oo qaabilay ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga
Axmed Madoobe oo qaabilay danjiraha midowga Yurub
1500 maxbuus oo xabsiga Jigjiga laga sii daayay
Shir looga hadlay amniga Jubbalanad oo Kismaayo lagu qabtay