Muqdisho oo laga helay meel khamrida lagu sameeyo

Published: January 25, 2018

Kn: Ciidamada nabadsugidda ee magaalada Muqdisho ayaa hawlgal ay ka fuliyeen xaafadda Kaaraan waxay ku soo qabteen maandooriyihii ugu tiro badnaa abid oo lagu soo qabto hawlgal ka dhaca caasimadda.

Ciidamada ayaa gacanta ku soo dhigay dadkii iyo goobtii lagu diyaarinayay maandooriyaha khamriga, nooca loo yaqaan calaqa kaasi oo la ceegaagay foostooyin tiro badan oo magaalada loo iibgayn rabay, halka qaar kalana ay faraha kula jireen diyaarin tooda.

Goobta maandooriyaha lagu diyaarinayay ayaa la sheegayaa inay ahayd xarunta ugu balaaran goobaha caasimadda ku yaala waxayna sidoo kale ciidamada amaanku ku daba-joogaan helista goobo kale oo lagu sheegay inay sidan oo kale lagu diyaariyo maandooriyaha calaqa.

Waxaa wax laga naxo ah in maandooriyaha intaasi le’eg macaamiisha isticmaashaayi ay yihiin isla bulshada Soomaaliyeed ee caasimadda ku nool kuwaasi oo sida la sheegay u badan dhalinyaro.

 


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xamar oo lagu sheegay gawaari qarax lagu rakibay
Farmaajo oo qaabilay ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga
Axmed Madoobe oo qaabilay danjiraha midowga Yurub
1500 maxbuus oo xabsiga Jigjiga laga sii daayay
Shir looga hadlay amniga Jubbalanad oo Kismaayo lagu qabtay