Gudiga qaran ee doorashooyinka oo gaaray Kismaayo

Published: February 13, 2018

Kn: Wafti ay hogaaminayso gudoomiyaha gudiga qaran ee doorashooyinka, Xaliimo Siciid Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa manta soo gaaray magaalada Kismaayo si ay halkaasi ugu qabtaan doorashada kursi ka banaan Aqalka baarlamaanka ee dawladda federaalka.

Kursigan oo laga soo doortay maamul gobolleedka Jubbaland ayaa waxaa ka geeriyooday Allaha u naxariistee wasiirkii ugu da’da yaraa, wasiir Siraaje.

Sida ay warbaahinta u sheegtay Xaliimo Yareey, doorashada kursiga waxaa Kismaayo lagu qaban doonaa shan iyo tobanka bishan Feebaraayo. Mid kamid ah tartamayaasha ayaa ah da’dii ka yarayd marxuum wasiir Siraaje.

Gudiga doorashooyinka qaran ayaa ku hawlan buuxinta boosas ka banaan gobolaha shacabka.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xamar oo lagu sheegay gawaari qarax lagu rakibay
Farmaajo oo qaabilay ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga
Axmed Madoobe oo qaabilay danjiraha midowga Yurub
1500 maxbuus oo xabsiga Jigjiga laga sii daayay
Shir looga hadlay amniga Jubbalanad oo Kismaayo lagu qabtay