Maxamuud Siraaje oo ku guulaystay kursigii walaalkii ka baxay

Published: February 14, 2018

Kn: Magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ee maamul gobolleedka Jubbaland ayaa kursi ka banaanaa Baarlamaanka federaalka oo doorashadiisa lagu qabanayay magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku tartamayay sadex xubnood oo midi gabar tahay.

Kursigan oo uu ka geeriyooday wasiir Cabaas Siraaj ayaa waxaa kamid ah dadka ku tartamayay wasiirka hawlaha guud ee buuxiyay booskii Cabaas iyo walaalkii ka yar, Maxamuud Siraaj.

Wasiirka Hawlaha guud ayaa markii danbe shaaciyay inuu walaal kiis Maxamuud Siraaj uga tanaasulay booska, waxaana sidaasi kursigii xildhibaanada ku hantay Maxamuud Siraaj. Guud ahaan reer Jubbaland, gaar ahaanna dhalinyarada ayaa soo dhaweeyay in Maxamuud Siraaj buuxiyo booska walaal kiis oo dadka intiisa badan ay aaminsanyihiin in gacan ka xaqdaran ay dishay, isla mar ahaantaasna uusan helin cadaalad.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xamar oo lagu sheegay gawaari qarax lagu rakibay
Farmaajo oo qaabilay ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga
Axmed Madoobe oo qaabilay danjiraha midowga Yurub
1500 maxbuus oo xabsiga Jigjiga laga sii daayay
Shir looga hadlay amniga Jubbalanad oo Kismaayo lagu qabtay