War hadda soo dhacay: Dib u shaandhayn lagu sameeyay wasiirada Jubbaland

Published: July 4, 2018

Kn: Madaxweynaha dawlad gobolleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa wareegto kadis ah oon la filaynin soo saaray taasi oo qeexaysa gole wasiiro cusub oo xukuumaddiisu yeelanayso.

Dikareedata oo ka soo baxday xarunta madaxtooyada Jubbaland oo Axmed Madoobe ku sixiixan yahay ayaa lagu magacaabay 11 wasiiro oo isugu jira kuwo cusub iyo kuwa hore laakiin loo kala badalay wasaaradaha.

Waxaa xusid mudan in wasiiradani ay kamid yihiin aqoonyahanno Soomaaliyeed kuwaasi oo ka miisaan culus golihii wasiirada ee hore.

Wareegtada kadiska ah ee Axmed Madoobe dib isugu shaandhayn ku samayeeyay golihiisa wasiirada ayaa ku soo aadaysa maalmo ka hor safar uu ugu baxayo dalka dibaddiisa, asagoo ka soo qayb gali doona shirka Soomaalida loo qabanayo ee ka dhacaya magaalada Brussels ee dalka Biljamka. Hadaba halkan hoose ka akhriso dikareetada;

 

 

 

 

 

 

 

 


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Jubbaland: Farmaajow godobi waa wiish!
Kheyre oo ceyriyay wasiirkii Awqaafta iyo arimaha diinta
Natiijada safarka Abey Ahmed ee Asmara
Abey Axmed oo u tagay Isiyas Afawarqe
Farmaajo oo ka qayb galay shirka madasha Afrika iyo Shiinaha