Farmaajo oo ka qayb galay shirka madasha Afrika iyo Shiinaha

Published: July 5, 2018

Kn: Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dalka Jabuuti kaga qayb galaya shirka madasha Afrika iyo Shiinaha oo socon doona maanta oo Khamiis ah ilaa iyo maalinta Sabtida.

Shirkan oo diiradda lagu saarayo hirgalinta ganacsiga xorta ah ee qaaradda Afrika iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo waliba hirgalinta hiigsiga 2030 ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ah madaxweynaha Suudaan, Cumar Xasan Al Bashiir, ra’iisul wasaraaha Itoobiya, Abay Ahme, madaxweynaha dalka Ruwanda iyo hogaamiyaha midowga Afrika.

Farmaajo ayaa sidoo kale maanta ka qayb galay xaflad lagu xarigga looga jarayay deegaanka ganacsiga xorta ah ee canshuurta ka caagan oo laga hirgaliyay dalkaasi Jabuuti. Safarka waxaa Farmaajo ku weheliyay wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, wasiirka maaliyadda iyo wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, wasiiru dawlaha gaashaandhigga iyo lataliyihiisa arimaha dibadda.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Jubbaland: Farmaajow godobi waa wiish!
Kheyre oo ceyriyay wasiirkii Awqaafta iyo arimaha diinta
Natiijada safarka Abey Ahmed ee Asmara
Abey Axmed oo u tagay Isiyas Afawarqe
Farmaajo oo ka qayb galay shirka madasha Afrika iyo Shiinaha