ONLF oo dib u dooratay Admiral Maxamed Cumar Cismaan

Published: July 5, 2018

Kn: Shir ururka ONLF uga socday magaalada Asmara ee dalka Eriteria ayaa dib loogu doortay hogaanka ururka Admiral Maxamed Cumar Cismaan oo mudo dheer soo hayay xilka ugu sareeya ee ururka.

Faahfaahin dheeri ah wali kama hayno, waxaase ujeedka shirka oo mudo dhawr maalmood ah socday uu ahaa doorashada hogaanka ururka oo mudo dheer soo jiitamaysay in la qabto.

Waxaa jiray dad isugu jira dhalinyaro iyo aqoonyahanno jagada kula tartamayay hogaamiyaha jabhadda, laakiin sida muuqata wararka hordhaca ah een helayno uu gudoomiyihii hore ee Jabhaddu kaga guulaystay.

Doorashadan ayaa la filaayay in Jabhaddu yeelato hogaan cusub, si ururka loogu shubo dhiig cusub oo la jaanqaadi kara isbadallada xawliga ku socda ee ka dhacaya geeska Afrika. Dib u doorashada hogaamiyihii hore ee ururka ONLF ayay dad badani aaminsanyihiin inay ifofaalo u tahay sida ururku uusan diyaarka ugu ahayn ka faa’iidaysashada fursadaha ay wadhfinayaan dabaylaha xagaagu.

Doorashadan ayaa ku soo aadaysa xili baarlamaanka Itoobiya uu liiska argagixisada ka saaray ONLF iyo laba urur oo kale dagaal hubaysan kula jiray dawladda Itoobiya.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Jubbaland: Farmaajow godobi waa wiish!
Kheyre oo ceyriyay wasiirkii Awqaafta iyo arimaha diinta
Natiijada safarka Abey Ahmed ee Asmara
Abey Axmed oo u tagay Isiyas Afawarqe
Farmaajo oo ka qayb galay shirka madasha Afrika iyo Shiinaha