ONLF oo laga saaray liiska argagixisada

Published: July 5, 2018

Kn: Kalafadhi uu yeeshay baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa looga dooday go’aan ay dhawaan gaareen golaha xukuumadda ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya, Abay Ahmed kaasi oo ahaa in liiska madow laga saaro ururada mucaaradka.

Baarlamaanka ayaa cod aqlabiyad ah ku ogolaaday in ururada OLF, ONLF iyo ururka Ginbot 7 laga qaado liistada ururrada ay Itoobiya u aqoonsantahay argagixisada. Ururadan ayay Itoobiyada cusub u aqoonsatay xaq u dirir isla mar ahaantaana u fasaxday inay dalka dib ugu soo noqon karaan hogaankooda iyo taageerayaashooduba, isla mar ahaantaana si xor ah uga qayb qaadan karaan siyaasadda dalka.

Waxaa xusid mudan in ururka ONLF uu wali liiska argagixisada ugu qoranyahay dawladda Soomaaliya ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo garwadeenka ka yahay xili dawladdii ay darteed u galiyeen ay u aqoonsatay urur xaq u dirir ah.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Jubbaland: Farmaajow godobi waa wiish!
Kheyre oo ceyriyay wasiirkii Awqaafta iyo arimaha diinta
Natiijada safarka Abey Ahmed ee Asmara
Abey Axmed oo u tagay Isiyas Afawarqe
Farmaajo oo ka qayb galay shirka madasha Afrika iyo Shiinaha