Abey Axmed oo u tagay Isiyas Afawarqe

Published: July 9, 2018

Kn: Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya ood moodu inuu dheeraynayo ayaa safar ku tagay caasimadda dalka Ereteriya ee Casab.

Isiyas Afawarqe ayaa si diiran u soo dhaweeyay Abey Ahmed, waxayna ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Bariga Africa.

Waxaa la sheegayaa inuu Afawarqe uga mahadceliyay ra’iisul wasaare Abey go’aankii geesinimada lahaa ee dhulkii lagu muran Sanaa uu ugu ogolaaday inay mulkiyaddiisa yeeshaan Ereteriya.

Abey Axmed oo dhawr jeer oo hore ka dhawaajiyay in Soomaaliya iyo Itoobiya isku darsamayaan ayaa la sheegayaa in socdaal kiisani uu daaranyahay sidii uu uga dhaadhicin lahaa hirgalinta himiladaasi madaxda geeska Afrika oo Afawarqe uu kow ka yahay xubnaha loo tiirinayo inay galaangal u leeyihiin Soomaaliya.

Madaxda Soomaaliya iyo siyaasiyiinteena ayaad moodaa inay xaalad damanaan ku jiraan halka dalalka dariska ah ay hardan iyo loolan ugu jiraan qaadashada ama xalaalaysiga beri iyo badba.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Jubbaland: Farmaajow godobi waa wiish!
Kheyre oo ceyriyay wasiirkii Awqaafta iyo arimaha diinta
Natiijada safarka Abey Ahmed ee Asmara
Abey Axmed oo u tagay Isiyas Afawarqe
Farmaajo oo ka qayb galay shirka madasha Afrika iyo Shiinaha