Natiijada safarka Abey Ahmed ee Asmara

Published: July 9, 2018

Kn: Kadib kulamo u badan marxabayn iyo isla qosol dhexmaray Isiyas iyo Abey ayaa ugu danbayn lagu gorfeeyay mustaqbalka labada dal iyo natiijada kama dambaysta ah ee shacabka labada dal lala wadaagi karo. Hadaba waxay labada hogaamiye qalinka ku duugeen hirgalinta qodobadan hoos ku qeexan;

  •  Dhamaadka bishan wafuud isugu jirta siyaasiyiin iyo cuqaal Eritrean ah ayaa booqasho ku tagi doona ismaamul gobolleedyada Tigrai iyo Afar
  • Duulimaadyada diyaaradaha ee Adis Ababa iyo Asmara ayaa bilaabanaya dhamaadka bisha Agoosto
  • Gaadiidka Basaska oo isaga gooshi doona Asmara iyo Adis Ababa, iyo Mekelle iyo Asmara ayaa bilaabmi doona horaanta bisha Agoosto
  • Kooxaha dhaqanka iyo Muusikada ee Itoobiya ayaa xaflad ku soo bandhigi doona Asmara dabayaaqada bisha Aqoosto
  • Kooxaha dhaqanka iyo Muusikada ee Eritrea ayaa sidoo kale xafladdo ku soo bandhigi doona magaalooyinka Addis Abba, Jimma, Hawassa, Mekele iyo Bahirdar
  • Eritrea ayaa magaalooyinka Mekelle iyo Axum ee gobolka Tigrai u diri doonta laba kooxood oo Ashenda ah. Ashenda waa maalin dhaqameed ama diimeed ay u dabaal dagaan dadka Tigreega ah bisha Agoosto taasi oo ku aadan maalinta ay ka afuraan soonka diintooda Arthrodox-ka
  • Qayb kamid ah dekedda Assab ayaa loo furayaa inay Itoobiya isticmaasho dhamaadka bisha Septemper ama horaanta October ayadoo ay bixin doonaan qiimo canshuur oo aad u hooseeya
  • Laga bilaabo dhamaadka September, visada dal ku galka ah looma qaadan doono Eritrea
  • Horaanta bisha September, Eretrea waxay safaarad ka furan doontaa Addis Ababa, waxayna qusuliyado ka furan doontaa Mekelle, Bahirdar iyo Jimma
  • Dhamaan maxaabiista dagaalka ee Eritrea hayso oo ay ku jiraan saraakiil sare iyo duuliyeyaal diyaaradood oodda ayaa laga qaadayaa

Hadaba su’aasha muhiimka ah ayaa ah wax maka baran karaan Muuse Biixi iyo Cabdiwali Gaas walaalaynta labada shacab ee markii horaba walaalaha ahaa?


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Jubbaland: Farmaajow godobi waa wiish!
Kheyre oo ceyriyay wasiirkii Awqaafta iyo arimaha diinta
Natiijada safarka Abey Ahmed ee Asmara
Abey Axmed oo u tagay Isiyas Afawarqe
Farmaajo oo ka qayb galay shirka madasha Afrika iyo Shiinaha