Yurub, buuraha Golan Heights Israa’iil ma leh

Published: March 26, 2019

Kn: Shan dal oo katirsan midowga Yurub isla mar kaana xubin ka ah golaha amaanka ayaa gaashaanka u daruuray in buuraha Golan ee dawladda Israa’iil ka haysato dalka Suuriya loo aqoonsado dhul ay leedahay Israa’iil.

Dalalka Ingriiska iyo Faransiiska oo kamid ah shanta dal ee leh codka diidmada qayaxan iyo dalalka Jarmalka, Biljam iyo Poland ayaa sheegay inay dawladda Israa’iil xaqdaro ku haysato buuraha Golan Heights ayna tahay inay isaga baxdo, waxayna sheegeen inay xaaladda amaanka ee gobolka ay uga sii dari doonto ictiraafka dawladda Maraykanka ee garwadeenka ka yahay madaxweyne Trump taasi oo uga aqoonsaday buuraha Golan inay tahay dhul ay leedahay Israa’iil.

Wakiilka dawladda Biljamka oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inaysan dhul Israa’iil leedahay u aqoonsanayn dhulkii ay xoogga ku qabsatay sanadkii 1967 oo ay ku jirto buuraha Golan Heights. Sidoo kale dawladdaha Ruuska iyo Shiinaha oo leh codka diidmada qayaxan iyo dalalka South Africa iyo Indonesia ayaa ka hor yimid go’aanka dawladda Maraykanku ugu aqoonsatay buuraha Golan  dhul ay iska leedahay Israa’iil.

Berri ayaa la filayaa in mar kale la gorfeeyo arinta buuraha Golan marka laga doodayo waxa laga yeeli doono mustaqbalka ciidamada nabad ilaalinta UN ee  loo yaqaano UNDOF ee ku sugan deegaan kaasi

 


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Car bomb blast ‘kills 15’ in Somalia’s Mogadishu: Aljazeera
Kenya must not force refugees back to Somalia by closing Dadaab camp: Amnesty
The mothers sending their boys to Somalia to escape gangs and knife crime: Channel4
Dad ka noqday Qaxootiga oo Kismaayo looga dhisay guryo
Qarax Muqdisho ka dhacay oo dad badan ku dhinteen