Dad ka noqday Qaxootiga oo Kismaayo looga dhisay guryo

Published: March 28, 2019

Kn: Mashruuc ay hirgalintiisa iska kaashadeen Qaramada Midoobay, Hay’adda qoxootiga ee Norway, Care iyo Jubbaland ayaa lagu daahfuray magaalada Kismaayo kaasi oo hoy loogu samaynaayay dadka ka soo guryo noqonaaya xerada qaxootiga Kenya ee loo yaqaano Dhadhaab.

Ayadoo mashruucan hore loogu tijaabiyay Kismaayo ayaa wajigan waxaa hadeer la soo gabogabeeyay dhaystirka dhismeyaal gaaraya 250 guri iyo xarun loogu talogalay danta guud. Dhismeyaashan ayaa lagu biiriyay kuwii horay loogu dhisay dadka qaxootiga ka soo laabanaya waxaana xaafad daasi loogu magacdaray xaafadda Midnimo.

Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka ayaa aad ugu amaanay maamulka Jubbaland ka midho dhalinta mashruuca dib u dajinta dadka qaxootiga ka soo laabanaya ayadoo dalka meelo badan oo ka mid ah lagu guul daraystay in xal loo helo dadkii ay abaaruhu ku dhufteen ee dalka gudihiisa ku barakacay.

Dhamaystirka deegaanka cusub ayaa ku soo aadaya xili dawladda Kenya ay shaacisay inay Albaabada isugu dhufan doonto xerada qaxootiga Dhadhaab, walow aysan ahayn markii koobaad ee warkaasi ka soo baxo.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Car bomb blast ‘kills 15’ in Somalia’s Mogadishu: Aljazeera
Kenya must not force refugees back to Somalia by closing Dadaab camp: Amnesty
The mothers sending their boys to Somalia to escape gangs and knife crime: Channel4
Dad ka noqday Qaxootiga oo Kismaayo looga dhisay guryo
Qarax Muqdisho ka dhacay oo dad badan ku dhinteen