Qarax Muqdisho ka dhacay oo dad badan ku dhinteen

Published: March 28, 2019

Kn: Ku dhawaad labaatan ruux ayaa ku dhimatay in ka badan afartan qofna waa ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay caasimadda qaranka Soomaaliya ee Muqdisho. Qaraxa oo ka dhashay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay Jidka Maka Al-mukarama gaar ahaan mukhaayad laga cunteeyo oo u dhow Hotel Weheliye.

Xiliga uu qaruxu dhacayay ayaa ahaa xili saxmad badan oo dad badan ay ka cuntaynayeen mukhaayadda qaraxa lala beegsaday. Todobaad kan waxay Muqdisho u ahayd meel ay kuwa caadaystay qubista iyo daadinta dhiiga shacabka inay qadada iyo cashada uga dhigaan qaraxyo lagu hoobto.

Ilaa iyo 13 qarax ayaa Muqdisho ka dhacay todobadii maalmood ee ugu danbaysay waxaana naftooda ku waayay ama ku dhaawacmay ama hantidoodu ku burburtay boqolaal dad ah, ilaa iyo haddana ma jiro cid loo qabtay ama masuul isu casilay hawl gudasho la’aan.

Kaaga darane meelaha ay qaraxyadu hadeer ka dhacayaan ayaa ah halbowlihii goobaha ay dawladdu gacanta ku hayso ee ciidamada ugu badan ilaalada ka hayaan.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Car bomb blast ‘kills 15’ in Somalia’s Mogadishu: Aljazeera
Kenya must not force refugees back to Somalia by closing Dadaab camp: Amnesty
The mothers sending their boys to Somalia to escape gangs and knife crime: Channel4
Dad ka noqday Qaxootiga oo Kismaayo looga dhisay guryo
Qarax Muqdisho ka dhacay oo dad badan ku dhinteen