Xayeesiis 728x90

Xayeesiis 468x60
Cidlaa laga kaxaystaye miyaa, Cudud la ii sheegtay !!! By Aadam Zaki

Published: 15 November 2009

Horta yaa dajiya Man'haj  wax barasho oo looga dan leeyahay in wax lagu baro ubad  lagu fulin doono siyaasadaha dal leeyahay kuwiisa dhaw iyo kuwa fog ? yaa xaq u leh bar baariya gurboodka la is leeyahay Barri ha noqdaan hoggaanka  Dalka? Kuwa la doonayo inay noqdaan   cududda Difaac ee habayn iyo maalin u taagan inay ka ilaaliyaan ciiddooda Hooyo wixii kusoo xad gudba yay tahay inay dhisaan heerarkooda aqooneed  inta ay maskaxdoodu curdanka tahay ?


 


Unichef , Unesco , EDC iyo Laama badan oo ku shaqeeya Magacyo fara badan waxay si sahal ah ku heleen kaalintii  Wasaaradda Waxbarasho ee Somalia waxay gaf wayn ka galeen  Juquraafiya Siyaasadda Somalia waxaa sahal naloo iloowsiiyay xuduudihii ay dawladihii runta ahaa ee Somalia soo xukumay intaan calanka lahayn ay diidanaayeen,


 


Dhawrkii xukun  ee ku kala danbeeyay maamulka Dalka intuba way ka midaysnaayeen xuduud beeneedka lagu xardhay xariiqinta kala jar jaran ee caddaynta u ah inaysan dawladda Somalia raali ka ahayn sida ay haattan tahay iyadoo lagu suntan Xuduud Beenaad .


 


Ma aqaan Wasiirada magac u yaalka ah sida ay tahay shaqadooda maxaa yeelay xukuumadihii is xigay ee banaanka lagu soo dhisay mar walba waxaa ka mid ahaa wasiirka wax barashada iyo bar baarinta , dhamaan madaxda u badan madax ku dhiiglayaashii heerka aan marayno na dhigay iyagoo ka faa iidaysanaya aqoon yaraanta bulshada iyo xamaasadda qabiilka kuwii adduunka naga reebay ayaa Wasiiro noo ah yaa naga Nasiib Daran ? Malahayga Falastiin !


 


Janaraal, Kornayl, Professor, iyo Hogaamiye kooxeedyada kuma jiro nin dhisay hal qol oo ay ugu yaraan Dumarku ku dhalaan iska daa Iskool iyo xarun wax barasho oo ay dhisaane , waan isku raacsanahay aniga iyo adigaba inaysan dhaqaale xumo hayn maxaa yeelay maalin walba Magaalada Muqdisho oo kaliya  waxaa lagu qiyaasaa lacagta Qaadka ku baxda 80,000 ilaa 100,000 $ , dalka intiisa kale warkiisa maxaad u malayn ?


 


Iskoolka dhisid uma baahna laakiin dayac tir yar ayuu u baahan yahay kuwii ka haray dhismayaashii ay wasaaraddii waxbarashada iyo barbaarinta  ka hor 91kii  u samaysay inay nagu Barbaariso ayaa wali qaar ka dhaqan yihiin , hasa ahaattee madax ku dhiig layaashu ma dareensana dhibaatada ay wali u hor seedayaan shacabka ay xabsiga ku haystaan ,


 


La yaab malahan shacabka Falastiin waxaa Madax furasho u haysta horay iyo gadaalna u diidan Maxamuud Daxlaan ninka lagu tuhun san yahay dilkii Rantizi . sheakh Ahmed Yasin iyo Yaasir Carafaad Hogaamiyihii kullanka Reer falastiin .


 


Midawga reer yurub waxay hor istaageen biya xireenkii Baardheere hawshiisana ay waday Dawlada Shiine halka Maalin galinta oo dayn ahaa  Ballan qaadka yeesheen Reer Yurubka hadduu taabba gal noqon lahaa dawladda Somaliyed waxay awood u yeelan lahayd inay siiso Awood Koronto  Dalalka  Kenya Ethiopia Djibouti iyo Uganda  dakhliga kasoo xarooda wuxuu kaafin karay mushaar fiican oo la siiyo ciidanka xoogga dalka iyo dheeraad sidaas waxaa qoray Dr Xassan Maki oo bare ka ah Jaamacada Khartoum  Sudan , hadaba sidee macquul u tahay inay Tacliinta naga taageeraan kuwii noo diidanaa nolosha caadigaa , waa kuwii London iyo Rome ku marti qaaday Hormuudkii Hallaagii dhacay lana hareer taagnaa dhaqaale iyo magan siin , waa kuwa illaa maanta diidan inay hal dhiig ya cab uga yeeraan maxkamada la sheego inay qaado danbiyada Dagaalka Adduunka the huge


 


2008 dhamaadkiisii ayaan dacwad u gudbiyay maxkamaddaas ka dhan ah dhammaan Hoggaamiye Kooxeedyada Somalia in kastoo hadal macaani iyo jawaabba aan ka helay haddana ma dhaafsiisani in aan ku leeyahay Ref. No oo kaliya , intii aan xogta banaanka daadsan aruursanayay ee danbiyada dagaalka Somalia waxaan u sheegay wariye ka tirsan BBC Laanta Af- Somaliga , wuxuu iigu jawaabay MAAD ISKA DAYSID HA NOOLAADAANE MAXAAD KA RABTAA !!!?  


 


Waxaa nala garansiiyay in Hay'adaha Gargaarka oo kaliya wax taraan haddii ay abaar dhacdo iyo hadduu roob daadad soo rogay  yimaadaba waxaad ka maqlaysaaa Raadiyayaasha Afka Somaliga ku hadla ee xanbaara Siyaasadaha Dawladaha maalgasahda  dad la leeyahay waa cuqaal iyo in dheer garad garan la dawladdoodi waxay ku lahaayeen ee af labadii taagaya waxaan beesha Caalamka ka codsanaynaa Gargaar dag dag ah , inta uu baryootamayo Odaygu miyuu garan  inuu yiraahdo wasaaradda ku shaqada leh haddii aysan dhibaatadaas wax ka qaban Karin wasiirka meesha ha isaga tago si loogu xulo  cid  xilkas ah , caaqilka aan intaas garan ma caaqilbaa ? ma ciidan baa nagu soo duuloo dalkeenii iyo dadnimadeenii na duudsiiyay ? soo cidla lagama guran ? caku qoomka doorsama


 


Anqaastii Aadam Zaki


Aadan17@yahoo.com


 


KismaayoNews.com


LA XIRIIRA
  Caqliga iyo caadifadda
  Waddada Walaalnimada iyo Midnimada
  ERGO GUUR
  Qur’aan halgaad ah ! WQ Axmed Cabdi Samad
  Gooni isu-taagga tuulooyinka iyo jifooyinka [1]:WQ Axmed C/samad


Xayeesiis 25x250