Xayeesiis 728x90

Xayeesiis 468x60
Xuuraan: Tashi mise tamashleyn “Mombasa”?

Published: 13 December 2009
KN: Guux iyo garwaaqsi la’aan ayaa ka dhex aloosan Soomaalida meel kastooy joogtaba iyadoo calaamad su’aal weyn la dul dhigey shirkii ka socday Mombasa ee soo dhamaaday doraad.


Walloow inta baddan doodaha soo jeedinaya ay ka yimaadeen dad dahanooda gaarka ah ka waayay shirka, hadane qormadani Xuuraan waxaan isku dayayaa in aan is tuso mukulaasha iyo dooliga


Xog
180 ergo ayaa shirka ka qeybgashay, waxaa qabanqaabiyey hey’ada CRD iyo Inter Peace hey’ad lagu magacaabo oo ah tan maalgalisa doorashooyinka Somaliland, deeqahana lasoo mariyo, shirka waxaa lagu qabtay hotelka intercontinental ee magaalada Mombasa.


Dadka ka qeybgalay waxaa la kala keeney aduunka daafihiisa, waxayna isugu jireen Soomaali iyo ajaaniib, iyo madax DKMG ah ka tirsan, iyadoo uu qudbad u jeediyey Shariif Sh. Axmed, madaxweynaha DKMG ah. gabogabadii shirka waxaa laga soo saaray 10 qodod oo ereybixintooda si weyn looga fikirey, kuwaasoo looga hadlay xaalada Soomaaliya.


Tamashleyn
Shirka waxaa loogu magac daray Tashi, hase yeeshee runta banaanka tiiley waxay ahayd Tamashleyn, dabcana ma ahan arrin lagu maagi karro dadkaasi maadaamaa ay dhamaantood ahaayeen dadka dabaqada sare ee Soomaalida oo wata baasabooro wadamada hor u maray, aqoontana meel sare ka gaaray.


Meesha kulanka lagu qabtay waa halka ugu qaalisan ee ugu casrisan ee aadba ka fikiri karto ee bariga Afrika oo dhan ku taala, waa hotelka Intercontinental oo ku yaala magaalada loo tamashlo tago ee Mombasa, marka shirka laga boxo xeendaabka hodheelka waxaa ku yaalo waaskooyin lagu dabaasho, darjiinooyin, kuraasta xeebta lagu cadceedsado, nooc kasta oo ka mid ah cuntada lagu faakideysto, iyo waliba madadaalo (ma sheegayo nooca ay tahay, sababtoo ah waxaa la dareemayaa in aan ku talaxtagayo sifeynta), dawna ma ahan in aan tilmaamo nooca madadaalada laga helo hoteelka ugu sareeya xarunta dalxiiska bariga Afrika oo dhan ugu sareysa ee aduunyada oo dhan usoo dalxiis tagto.


5 maalmood oo qarashkii ugu badnaa ebed lagu bixiyey 180 qof oo qaarkood cunto sooc ah ay nolosha ka cunaan cuduro haya dartood (cudurada ku dhaca dadka lacagta leh).


Bal qayaas masaafada u dhaxaysa Mombasa iyo Dhadhaab oo ay ku jiraan qaxootiga aduunka ugu tirada badan ee meel kaliya ku xaraysan, kuwaasoo nasiib darada jirta Soomaali ah, dadka qaarkoodna ku doodi karaan in qarankii Soomaaliyeed oo dhan uu xerooyinkasi ku jiro, waxaan hubaa in qarashka dadkaasi sheeganaya in dan Soomaaliyeed ay Mombasa waxaasoo qarash ah ku beeldareeyey in uu ku filnaan lahaa nolosha hal xero muddo 3 bilood ah.


Waxaa jirta oraah luugada English-ka ah oo dhahaysa “practice what you preach”, oo micnaheedu yahay ku dhaqan waxa aad afka ka dhahayso (dadka ku wacdineyso), xalka Soomaaliya waxaa ka mid ah wax u qabadka dadkaasi xerooyinka ku tabaaleysan.


Wax kale iska dhaafe idaacadii dhaneyd ee BBC-da laanteedii Afsoomliga ayaa hoteelka loosoo raray, iyadoo tifaftirihii laanta Yuusuf Garaad kaligiis London lagaga keeney dayuurad qaas ah, meeshana uu ka tabinayay shirka, wax kale iska dhaafe qarashka shatiga dayuurada dadka looga keeney Canada, Maraykanka, Ingiriiska iyo Australia ayaanan la qayaasi karin.


Dhaqan ahaan tashigeenu geed hoostiis ayuu waligiisba ahaa, 10 oday oo laga soo waday xerooyinka Dhadhaab , oo la’isugu keeney geed ku yaala tuulada Shanta Abaq hoostiisa, loona qalay 2 neef oo ari ah ayaa laga heli lahaa  talo 10 jibaar ka badan tan boqolaalka kun ee doolar lagu bixiyey ee ay bixiyeen 20 gabdhood ee dharka gaagaaban xiran iyo 30 wiil ee aanan afsoomaaliga xitaa aqoonin ee duulimaadyada gaarka ah lagu keeney Mombasa.


Haddii aad I weeydiisaan halka qarashkaasi uu ka yimid, illaahay ayaan ka baryayaa in uu iga cawiyo fahamka halka qarashkaasi laga keeney, marka waad iga raali ahaaneysaan waayo diyaar uma ahi in an odoroso.


 


Qodobo dublamaasiyadeysan
Jibriil oo ah agaasimaha CRD iyo asxaabtiisa waa ay ka dharagsanyihiin dayuurada ay duulinayaan in ay ku socoto hawo xun, sidaasi darteed taxadarkooda aad uu u badnaa, meeysan dooneyn in ay gardaraysaan Alshabaab iyo Xisbul Islaam toona, si la mid ah DKMG ahna waxay u jilayeen ruwaayad labbo dhinac ah.


Wallow ka qeybgalayaasha qaarkood ay sheegeen in qodobada shirka kasoo baxay ay ahaayeen kuwa sii diyaarsanaa oo aanan ka turjimeynin tashigii dhacay, ayaa hadane qodobada laga soo saaray waxay ahaayeen kuwa hoowlaal ah, bal u fiirso sida loo dhigey.


Midkood qodobada wuxuu sheegaya in shareecada Islaamka ay noqoto isha sharci karta oo uu yeelanayo dalka, taasi waa iyadoo si dadban loo yiri “Dalka dastuur iyo shuruuc dadka sameeyey halagu dhaqo, laakiin ha meelaha qaar halooga soo daro shareecada si loo dabro kuwa shareeco doonka ah”, waxaa taasiba ka daran qodob kale oo si toos ah ugu hor imaanaya Shareecada haddiiba fasiraada aan ka bixiyey aysan ahayn tii dhabta ahayd, qodobkaasi waa mid orayanaya “Muusiga iyo heesaheena , waxay ka midyihiin dhaqankeena, waa in la difaacaa”.


Qodob muqaawamada lagu duraya ayaa ahaa in xagjirnimada iyo argaguxisonimada aysan ahayn wax dhaqanka Soomaaliga ah ka mid ah, laakiin waa ku dhici waayeen in ay magac sheegaan.


Qodob Shariifka si gaar ah loogu durayo wuxuu ahaa mid oranaya “yaanan shaqsiyaad aduunku taageerin ee ha taageero nidaamyada jira”, qodob kale ayaa ahaa in Soomaalida u baahantahay hogaan adag, mid kalana wuxuu ahaa in dhaqaalaha aduunku bixiyo uu ku dhoco gacmo qaldan oo ay tahay in laga fiirsado.


Qodobada waxay ahaayeen kuwa dublamaasiyadeysan oo aad moodo in dadka qorey ay maanka ku hayeen in aysan qofna ka xanaajin, hadane cid kasta duraan, waxaana laga fahmayaa sidii isagoo ah qoraal ay soo saartay dowlada kaliya ee xaqa ah ee dalka ka jirta.


Is qabqabsi
Sida loo xuley ergada, iyo cida ka hadlaysa labbaduba waxaa ka dhacay buuq iyo isqabqabsi, gaar ahaan saxafiyiinta, Cumar Faaruuq oo hogaamiye urur ka mid ah ururada saxaafada ayaa loo diidey in uu ka hadlo meesha kadib markii intii badneyd saxafiyiinta ee ka qeybgalay ay diideen in uu isaga matalo,qabanqaabiyeyaashana waxay gaareen go’aan ah in saxaafada aanan cid laga siinin madasha


Tan kale dadka la casuumey waxaa soo baxaya eedeymo ah in lagu xuley waji garasho oo aanan loo eegin doorka ay ay bulshada ku leeyihiin iyo waxqabadkooda, isla markaasina dadka meesha lagu casuumey ay u badnaayeen dad aanan 20 sanno dalka arag oo dibadaha ka yimid, halka kuwii dalka ka howlgalayay aanan badankood la casuumin, taasi isqabqabsi ayay keentey.


Wallow shirka looga gol lahaa in uu noqdo mid waxa kasoo baxa noqda mid yeesha saameyn xoogan oo gudaha iyo dibada ah, hadane waxaa rajadaasi dhulka la galay ciladihii uu lahaa, sidaasi darteed waxaa lagu tilmaamey mid aanan laga gaarin wax natiijo ah.


Mid ka mid ah natiijooyinkii laga filiyey waxaa ka mid ahaa in lagu dhiso gole ay ururadu ku mideysanyihiin oo bulshada aduunku taageerto oo isaga maamula dhaqaalaha iyo howlaha Soomaaliya siyaasada laga leeyahay Soomaaliya, dadka qaar waxay ku tilmaameen “dowlad qurbo jog ah” in meesha laga rabay oo uu Madaxweyne ka yahay Jibriil.


Hadii laakiinse ujeedku ahaa in dad aanan is aqoonin ay isku bartaan, rag iyo dumar aanan horey isku aqoonin ayaa meesha isku bartay, markaasi waa laga gaaray ujeedkii laga lahaa, haddii sidoo kale uu ujeedku ahaa in dad aanan waligood arrimaha Soomaaliya wax laga weeydiin la keeno saaxafada siyaasada oo ay saameyn yeeshaan, iyana waalaga gaaray ujeedkii laga lahaa, haddii sidoo kale ujeedku ahaa Maxamuu Jaamac Sifir oo cinradu meel kasta cadaatay ee siyaasada mudo dheer kusoo jirey iyo 20 jirka aanan Afsoomaaliga aqoonin ee katiinka xiran la'isa soo horfariisiiyo, waa la gaaray natiijadii laga filayay.


Shirkii kan ka horeeyey ee Entebe, Uganda ka dhacay waxaa ka caroodey dad badan oo aanan ka qeybgalin kadib markii ay diideen wixii laga doonayay, iyadoo Taasi uu Jibriil ka shidaal qaadanayo ayuu si taxadar leh u xushey cida uu marka horaba casuumayo si uusan wajigabax ula kulmin, xasuuso wax culumo ah laguma casuumin shirka, markii uu dhamaadayna dad ayaa soo jeediyey in culumada loo yeero si ay uga duceeyaan, balse waxaa lasoo xasuustey shirkii Mbagathi jawaabtii ay culumada bixiyeen markii lagu yiri "kaalaya shirka ka duceeyo" oo aanan door kale la siinin.


CRD
Center for Research and Development (Xarunta cilbaarista iyo hormarinta), waligiisba wuxuu ahaa mashruuc shaki badan huwan, wuxuu ka mid ahaa mashaariic dalka la keeney dhamaadkii 1999 kii oo ka mid ahaa warbaahin illaa haatan dalka ka shaqaysa, agaasimihii CRD waa la diley iyahoo tuhunku uu yahay mashruucani dartiis in loo diley, mashruucii warbaahinta iyana waa la diley ragii madaxda ka ahaa wallow wali midkood noolyahay.


Meel kasta oo Soomaaliya looga hadlayo aduunka CRD ayaa wax la weeydiiyaa


Xuuraan: Qormo joogto ah oo laffogur iyo falanqeyn ku samaysa arrimaha Soomaaliya


W/Q: Cabdinaasir Axmed Sheekh Bashiir (saxansoxo), Email: saxansoxo1@hotmail.com, tell: 27767059384


KismaayoNews.com


LA XIRIIRA
  Caqliga iyo caadifadda
  Waddada Walaalnimada iyo Midnimada
  ERGO GUUR
  Qur’aan halgaad ah ! WQ Axmed Cabdi Samad
  Gooni isu-taagga tuulooyinka iyo jifooyinka [1]:WQ Axmed C/samad


Xayeesiis 25x250