KN: Xariirada bini’aadamka ka dhaxeeya waa badanyihiin waana kala duwanyihiin, sidoo kalana waa kala sokeeyaan oo waa kala muhiimsanyihiin, laakiin ma jiro xariir labbo qof dhexmara oo keenaya isu dhawaansho illaa heer labada qof ay dareemaan in ay yihiin hal qof, kaasina waa xariirka ku yimaada guurka
Guur
Ma garanayo sida afka soomaaliga kusoo galay ereygani guur, laakiin waxaan marqaati ka ahay inuu yahay erey hodan ka ah murti , xaambaarsana sifo kasta oo wanaagsan oo ka turjumeysa waxa loola jeedo, aan kala qaadno, ugu horeyn ka fikir in ereyga Guur aad ku aragtey isagoo darbi ku qoran, maxaa niyadaada kusoo dhacaya?, waxaa kugu soo dhacaya micnaha koowaad ee ereyga uu leeyahay ee ah in meel laga guuro meel kalana loo guuro, maadaamaa aan reer guuraa nahay, sidaasi darteed marka ereyga loola jeedo labbo qof oo is aroostey micnaha dhabta ah wuxuu noqonayaa in noloshii hore laga guurey oo nolol cusub la galay. bal eeg baaxada micnaha uu ereygu xambaarsanyahay marka sidaasi loo fasiro.
Marka xiga kala qaad ereyga, shibbanaha iyo shaqalka ugu horeeya kasoo qaad oo ah (Gu’), micnuhu waa xili roobaad la fisho barwaaqo iyo baraaro, guurkuna waa sidaasi oo kale, marka xiga soo qaado labbada shaqal iyo shibanaha ugu dambeeya (UUR), waa natiijada ka dhalata guurka oo ah in ilmuhu calool galaan oo ubad la helo.
Waxaan filayaa in aysan cidna dood ka qabin micnaha dhabta ee uu guurku leeyahay marka laga hadlayo dhadhanka nolosha dhabta ah, laakiin dad badani aysan fahamsanayn muhiimadiisa iyo sidii loo xajin lahaa xariirkaasi, taasi darteed ayay qoysas badan maanta u burburaan in ka baddan xili kasta oo lasoo noolaa.
Marka aan leeyahay sedex xaas guurso runtii dumar badan ayaa arrinkaasi igu karaahsanaya, laakiin micno ka xeeldheer ayay qormadu huwantahay, waxaan ula jeedaa in xaasku laga doonayo 3 siffo oo guud oo ay adagtahay in mid qura laga wada helo, balse ah sifooyin hadii la’isku taxluujiyo la dabaqi karo.
Caruurtaada Hooyadood
Waxaa jirta murti Soomaaliyeed oo dhahaysa “wiilkaaga hal mar ayaad u hiilisaa, waana marka aad xulanaysid hooyadiis”, waxaa jirta maahmaah kale oo dhahaysa “waxaad taqaano guurso waxaa taqaano halaguu dhalee”, wallow maahmaahdani ay waxoogaa cunsiriyad ka dhadhamayso.
Hooyada dhashay caruurta waa shaqsi aysan aduunka dushiisa oolin qof kaaga qaalisan, waxayna u baahantahay in ay leedahay sifooyin gaar ah, hooyada waa baraha aan mushaariga ahayn ee ilmaha, ma jirto goob waxbarasho iyo heer aqoon oo aduunka dushiisa taala oo buuxin karta kaalinta hooyada ay ka buuxiso nolosha ilmaha koriimada iyo tabobarka, qofka noocaasi ah waa in ay lahaataa waxbarasho ku filan oo ay ilmahani wax ku bari karto maadi iyo diiniba
Koriimada ilmaha waa lafdhabarta noloshiisa inta uu kasoo qaangaarayo oo laga filan karo in uu isaga wax is taro haddii ay danta ku qasabto, hadaba waxay koriimadiisa ku xirantahay daryeelka hooyadiis ay u fidiso ilmahaasi ee ah xanaaneyn, quudin wanaagsan iyo nafaqeyn, hooyo areebo ah oo hurdada ka tooseysa 3 saac maalmeed ilmuhuna dugsiga aadayo 12 saac aroortii ma ahan nooca hooyada aad ugu baahantahay caruurtaada, hooyada kumigii ay hesho shaash xariir iyo cadar Bakhuur soo siisanaysa halkii ay maalmaha qaarkood caruurta beer quraac uga dhigi lahayd, ma ahan nooca hooyada aad uga baahantahay noloshaada. hooyada naag booyaaso ah cunta karinta iyo cunta siinta ilmaha ku deeyneysa ee aad ogtahay hagarta iyo gacan bidxeynta ku jirta, ma ahan nooca hooyada aad u baahantahay in ilmahaagu hooyadood noqoto.
Edebka iyo asluubta caruurta waa udub dhexaad, waana waxyaabaha nolosha asaaska u ah, warshada soo saarta ilmaha asluubta leh ee aad jamanaysid milicsigiisa waa guriga, ilmo kasta oo dhasha waxaa ku duugan edeb darro iyo falaadxumo dabiici ah oo uusan u baahnayn in ay cid barto, ma garanayo diinta waxa ay ka tiri laakiin dadka waxay dhahaan sheeydaanka ayaa saameyn ku leh caruurta taasaana ugu wacan falaadxumada, kolkaasi hooyada ay tahay in ay ilmahani edbiso oo tarbiyeyso waa hooyo cenykee ah?, waa in aney ahaataa hooyo marka horaba iyada edeb leh, afgaaban, xishoota, dadkana ixtiraamta, markaasi ma aqbali doonto wax kasta oo falaadxumo ah oo uu ilmuhu sameeyo
Tarbiyeynta caruurta waa fan la barto, mana ogi halka tabobar noocaasi ah lagu siiyey waalidiin badan oo Soomaaliyeed oo aan la hadlayo, iyadoo laga yaabo in ay ka go’antahay in ay ilmahooga tarbiyeeyaan ayaa tabobar la’aanta fanka tarbiyeynta caruurta waxa uu keenaa gabi-ka dhac badan oo xaalada uga sii dara, waalidiinta qaar ilmaha aad ayay u jecelyihiin taasina waxay keentaa in wax kasta oo uu ku kaco in aanan jac laga dhihin, waxaad xasuusan kartaa maahmaahda oranaysa “ilmahaaga oo aad sarbi u quuri weeysey, seef ayaad la majeerataa”, waalidiin badan iyagoo doonaya in ay ilmaha edbiyaan ayay ku talax tagaan ciqaabta caruurta taasoo duurgal ka dhigta caruur badan, wallow inta badan eedaasi ay leeyihiin aabayoowga hadane marka horaba ma ahan in hooyadu ay soo gudubto tarbiyeynta ubadka inbadan.
Ilmuhu waa waxa ay hooyadiisa u sheegto, “waa adeerkaa, waa eedadaa, waa awoowgaa, aabahaa ayaa soo socda, dariska yeeysan ku maqlin iyo waxaasi waa ceeb” iyo waxyaalaha la midka ah sida in la baro adeegsiga, dhagaysiga waxa loo sheego, in aanan lagu afcelin dadka waaweyn, in kalmado tixgalin ah dadka waaweyn loogu yeero oo aan magacooda si qaawan loogu yeerin, dharxirashada, tukashada salaadaha, ilmahaaga hooyadiis ayay tahay in waxaasi oo dhan ay ka dhisto ilmaha, tan ugu muhiimsana waa dhagahiisa laga illaaliyaa hadalo anshax xumo ah oo guriga dhexdiisa dadkale ku adeegsadaan.
Dabcan ilmahaaga hooyadiis noqon meeyso qofka marka aad isku dhacdaan aabahaa illaa abtirkaaga naareysa oo nacaladayneysa, mana noqoneyso tan carabka dheer oo xaafad shanaad hadalkeeda laga maqlayo.
Afadaada (xaaskaaga)
Waxaa laga yaabaa in aad inta gabar (gabadh) xoogaa bilo ah wada sheekeysataan aad ku heshiisaan guur, adigoo ujeedkaaga koowaad yahay in aad qanciso ood haqabtirto dareenkaaga raggonimo, laakiin aanan fikrad ka heeysan waxa dhab ahaan aad ka dooneysid qofka noqonaya xaaskaaga, dhowr bilood kadibna aad is furtaan.
Xaaska waxaan aaminsanahay in ay tahay astaan janada ka timid oo eebe uu ku abaalmariyo raga adeeca, sababtoo ah janada kuma maqal rag xoowrulciin ah ayaa jooga, ee waxaan ku maqlay dumar xoowrulciin ah, waxaase nasiib darro iyo murugo ah in rag eebe nasiib u siiyey in ay helaan xaasas wanaagsan in ay dayacaan oo ay daryeeli waayaan
Waxaa la yiri nin maalin kuma gaartid oo waa
Bal u fiirso qof aysan dan kale aduunka dushiisa ka dhicin oo aan ahayn daryeelkaaga (raga) iyo u adeegistaada, colobtii aabe iyo adeer iyo aqribo iyo walaalo iyo saaxiibo laga qariyey ayaa adigoo bilo safar ku maqnaa oo habeen guuro ku yimid ayaa inta lasoo qandiciyo lagu soo hordhigayaa, gogoshaada iyo dharkaaga saacad kasta waa la saxartirayaa, kaaga daran ma ahan mid daasha oo cajista.
Waa xaaskaaga waa tan gurigaaga ka dhigta meel lagu soo hirto marti iyo meertaba, soorta oo sahayda qofkasta oo kusoo heebsada adigoo jooga ama maqan, xaaskaaga waa tan markasta guriga kaaga horeysa ee heeganka u ah qaabilaadaada.
Xaaskaagu magaceedu waa Kabto ee kalariddo ma ahan, waa tan kuu beeqaamisa biilka reerka, waa tan dhibkaaga dareenta adigoo aanan afka kala qaadin, waa tan hoyadaa iyo ehelkaaga xaqdhowrta, ogoow naashudada habeenkii sariirta kugu mireysa marnaba ma noqon karto xaaskaaga ee ereybixin kale ugu yeer, haddii uu nasiibka ku baday in aad nolosha la wadaagto.
Gabadha aad jeceshahay
Guurso gabadha aad jeceshahay, Jacaylku waa dareen madax banaan oo aanan waxbo ku tiirsanany, caashaqu waa shuruud la’aan kuma xirna inta ay la’egtahay hantida uu qofku heysto, nasabkiisa, bilicdiisa iyo jinsiyadiisa, waa sheey dabeeluhu wataan oo qalbiyada jiira.
Walloow nuxurkii laga qaaday oo maanta ay wax kasta dadka uga sahlantahay in qof lagu yiraahdo “waan ku jeclahay” iyadoo aanan la fahamsanayn micnihiisa dhabta ah, hadane waa dareen jira oo si guud loo wada aaminsanyahay, Cilmi Boodhari iyo Hodan ayaa tusaale wanaagsan u ah Jacaylka Soomaalida dhexdeeda.
Hadaba gabadha aad jeceshahay in aad guursatid waa adigoo nolosha ka gaaray hadafkii aad ka lahayd, wuxuu qofku ku helayaa qaneeco iyo niyad wanaag inta noloshiisa ka dhiman sahay u noqota, ogoow sida aan ugu baahanahay in aan caloosha quudino ayuu qalbiguna u baahanyahay qaneeco iyo laga haqabtiro waxa uu u baahanyahay, illaa inta aad ka qancineysid qalbigu waa oomane (haraadsane).
Ima aamineysid hadii aan kugu iraahdo jacaylka wuxuu ku gaarsiiyaa heer qofka aad jeceshay aad uga ba’do in aad sariirta la wadaagto marka aad is guursataan adigoo niyada iska leh waxyeelo ayaa ugu sugan, jacaylka waa loo waashaa, waa loo dhintaa, waa loo cuqdadoodaa waana loo xanuunsadaa, laakiin dad yar ayuu heerkaasi gaarsiiyaa jacaylka, in baddana iyagoo bukaan socod ah ayay noloshooda iska sii wataan haddii ay waayaan qofkii ay jeclaayeen
In yar oo raga ka mid ah ayaa naf hur u sameeya jacaylka, taasina waa sir banaanka taala, dumarkuna waxay ballo ku dhigeen waxbo sheegan maayaan,
Ogoow jacayl aanan lagula qabin mirro dhal ma ahan guurka ka dambeeya, laakiin marka aad guursatid qofka aad jeceshahay, iyaduna ku jecel waa halbeega dhadhanka macaan ee noloshu leedahay, ka fikir subixii waxaad guriga ka baxaysaa iyadoo illinka taagan oo kusoo eegeysa illaa aad ka miriq beesho, waxaad soo hoyanaysaa iyadoo illinka taagan oo ku bidhaamineysa kuna sugi la’, raashiinkii ay karisey afka meeysan saarin oo adiga ayay kula sugeysaa, marka aad raashiinka cuneysid gacantaada kuuguma aamin qabto waxay rabtaa in ay teeda kugu siiso, waxay dadaal kasta u galaysaa in ay qayaasto waxa niyadaada ku jira ee aad dooneyso ee aadan u sheegin si ay kuu farax galiso, marka aad hurdeyso mukulaasha xaafada joogta xitaa waa ogtahay kumana dhacdo in ay hurdada kaa toosiiso.
Dhuumaaleysiga guriga dhexdiisa, tartanka, orotankanka, kaftanka, kilikileynta, maada iyo qosolka, waxaan filayaa kuwiina caloosha jilicsan in ilmuhu soo dhaafeen, ilimee mise murogoow laakiin waxaan kuu sheegayaa in guur farxad la’aan ah uu yahay geed miro la’aan ah, haddii aadan guurkaaga farxad ku heysan waad abuuri kartaa farxada waana waxa ugu sahlan
Ma garanaysaa qof aduunka ugu bakhaylsan? waa
Meeqa jeer ayaad shaqada kasoo dhuumatay oo aad xaafada usoo carartay si aad xaaskaaga waqti ula wadaagto, imisa jeer ayaad soo fasax qaadatay, imisa jeer ayaad guriga timid adiga oo gacanta dhabarka kuugu qarsantahay kadibna aad xaaskaaga kaga naxsatay ubax, faraanti mise sheey kale ood ogtahay in ay jeceshahay?, imisa jeer ayaad ku tiri “cuntadaadu aad beey u macaantahay”, imisa jeer ayaad ku tiri “aad baad u qurux badantahay”, mise ogtahay qiimaha ay waxyaalahaasi ugu fadhiyaan iyo wanaaga aad kaga kasban karto.
Haddii intaasi aan soo sheegey oo dhan aanan noloshaada laga helin labbada dhinacba, kuma doodi kartid in aad guursatay qofkii aad jecleyd, dooda ku saabsan jacaylka ma guurka hortiisaa mise waa guurka ka dib waxaan filayaa aad ila waafaqsantihiin in jacaylka guurka ka hor uu yahay buug bogiisa kore oo kaliya la aqriyey, kan guurka kadibna uu yahay buugii oo aad guda gashay akhrintiisa.
Gunaanad
Weeydiinta dadka maankooda kusoo maaxanaysa ee ah “Caruurteyda hooyadood miyeysan xaaskeyga ahayn, xaaskeygani miyeysan noqoneyn caruurteyda hooyadood, gabadha aan jeclahayna miyeysan intuna ahayn, ma qasabaa in aan 3 xaas guursado?”, waxaan ku leeyahay adiga ayay kuu taalaa sida halka xaas ee aad leedahay aad uga dhigan lahayd sedexdaba, haddii aad sedex xaas leedahayna adiga ayay kuu taalaa sidii aad mid kasta oo ka mid ah ugu dhigi lahayd mid leh astaamaha oo dhan, ina aamin waa wax suurogal ah, kaliya xusuusnoow in aadan ka tagin cadaalada, xaqsoorka, waligaa ha yeelin sida ay rag badan yeelaan oo ah in aad xaasaska qaarna gacan bidxeyso qaarna koofiyada ugu soo qariso bajiyaha ay walaca ku tahay.
Xuuraan: Waa qormo faaqidaad iyo falanqeyn ah
W/Q: Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo), Email: saxansoxo1@hotmail.com , tell: +27767059384
| LA XIRIIRA |
| Caqliga iyo caadifadda |
| Waddada Walaalnimada iyo Midnimada |
| ERGO GUUR |
| Qur’aan halgaad ah ! WQ Axmed Cabdi Samad |
| Gooni isu-taagga tuulooyinka iyo jifooyinka [1]:WQ Axmed C/samad |