Qof waxaa jira ku qanacsan in shisheeye kuu taliyo waxaa la yiraah kaas shisheeye kal kaal, ma rumaysna inuu dadkiisu awoodaan inay is xukumaan kuwa noocaas ah waxay u hor seedaan dhulalka ay ku nool yihiin gumaysi xeel dheeraada sida waxa ka taagan Ogadeniya ,
Gumaystuhu waa laba qaybood mid wuxuu kugu qabsadaa awood oo maalinta aad itaal u heshid ayaad bilaawaha dhagta dhiigga u dari , nooca kale se wuxuu ka qabsadaa maskaxda, aqoonta kaasoo ay adag tahay sida looga adkaado , waxaa ka dhasha gumaystaha sidaas ah kuwa hoor oda ee u gacma qabta dadka la gumaysto ,
Dhawr kii sano ee na dhaaftay waxaa Magaalada Hargaysa kusoo kordhayay Jaamacadaha xanbaarsan magacyo shisheeye gaar ahaan Itoobiya , waxaad muuqata in kaalintii kooxda wax barashada u qaabilsan Maamulka Hargaysa uu kaalintiisii gabay ama iska indha tiray waxa meesha ka socda ,
Waxaa laga qaataa Maadada Cilmiga waajibka saaran Muwaadinka Itoobiyaanka ah !! afka qalaad waxay ku tahay civic , haddii xarumahaas wax barasho ay isku dayaan inay dhigaan maado qiime wayn u len ardayga wax dhiganaya asii maadadaas laga uriyo magaca Jamhuuriyadda Somalia , waxaa hubaal ah in xaruntaas iridaha loo laabayo maamulkeedana xabsiyada lala gaarayo ,
Su aashu waa maxaa keenay nacaybka heerkaas le'eg ee loo qabo magaca Somalia ? malahayga jawaabtu waxay iila muuqattaa Hogaamiyayaashooda ayaa markii hore shacabka ku shubay war khaldan asii laga lahaa ujeedo gaar ah waa sidii loo dumin lahaa xukun jiray gadaalkiina si looga shubo ayaa la garan waayay ,
19 sano adduunku wuxuu wali taagan yahay maya Somalia inay kala go'do Hogaamada Hargaysana wali maysan badalin gooni isu taagii uu ku dhawaaqay C.raxmaan Tuur kaasoo markiii looga adkaaday doorashadii qabiilka sheegay inay Somalia kala go'i Karin
Inta koonfur xaajada qaloocan ka qiiqayso ee taladeeda looga fadhiyoDagaal oogayaal Barre Hiiraale Ina Godane Cabdi Qaybdiid Morgan Qanyare Yalaxoow Qooje iyo Saran Soor, rajo ay ubad iskool ugu dareeraan ma muuqato hooyana Isbitaal ugu dhasho , inta Hargaysa caqligeeda uu soo dagayo marku qaadka yimaado caqli wayn oo kasoo socda ma muuqdo , maxaa yeelay Aqoonteena iyo garaadkeenu, eber ma soo dhaafo kuwii na dilaan durbaanka u garaacnaa ,kuwi na qaybiyaan qarash ku taageernaa . kuwii cadawga noo gacma qabtaan taliya niraahaa , aan ku afmeero Oraahdi C/llaahi Macalin Dhoodaan , Gidigeeda Soomaalidaa guudka ka islaan dheh. Gun markaad u sii fiirisana gaalo taag daran dheh.
Ogoow warku waa muqadas aragtiduse waa xor , hadii aan saxay iyo hadaan khaldayba waa aragti ii gaar ah
Anqaastii Aadam Zaki
http://uk.mc519.mail.yahoo.com/mc/compose?to=Aadan17@yahoo.com
| LA XIRIIRA |
| Caqliga iyo caadifadda |
| Waddada Walaalnimada iyo Midnimada |
| ERGO GUUR |
| Qur’aan halgaad ah ! WQ Axmed Cabdi Samad |
| Gooni isu-taagga tuulooyinka iyo jifooyinka [1]:WQ Axmed C/samad |