KN: Waxaa la yiri ”geeloow daaq, oo daaq, oo daaq, laakiin maalintaad ciin daaqdo ayaa laguu yaabaa”, tani waa xaalada rasmiga ah ee ku dhacday Soomaalida Kenya.

Iyadoo markii horaba ul booc ah loogu kutubayay oo la haleeli la’aa halka laga oof wareemo Soomaalida ayaa loo heley marmarsiimo rasmi ah oo lagu maago.
Geel Ciin Daaqay
Maahmaah Soomaaliyeed ayaa ah ”Geeloow daaq, oo daaq, oo daaq, laakiin maalintaad ciin daaqdo ayaa laguu yaabaa”, ciin waa mid ka mid ah geedaha Soomaaliya ka baxa oo sun ah, neefkii geel ah ee geedkaasi daaqa waa uu ku sumoobaa, wuuxuna ku xanuunsadaa, marka dambane waa uu ku dhintaa
Soomaalida oo daaqsinta Kenya loo tagay ku fogaatay, kuna dabodheeraatay ayaa waxaa lagu tilmaami karaa in ay yihiin kuwa ciin daaqay.
Ganacsiga, hormarka, tirada, saameynta siyaasadeed iyo galaangalka badan ee Soomaalida Kenya ku dhaqan ayaa soo jiidey indhaha dowlada iyo dadka Kenya kuwooda aan Soomaalida ahayn, waxaa la malayn waayay saanqaadka fudud ee Soomaalida iyo xawaaraha ay ku talaabsanayaan, jalaafo kasta oo loo dhigey ayaa lagu guuldaraystey in lagu turaanturiyo, qadka kasta oo cagaaran oo loo jeexayna waa ay ka gudbeen.
Wax kalaba ha joogtee waxay halis galiyeen dhismayaasha dalka oo dhan laga maamulo sida baarlamaanka iyo guriga madaxtooyada oo dad Soomaali ah ay isku dayeen in ay iibsadaan, ganacsina ka dhigtaan. Waxaa la odorosey in haddii ay sidan kusii socdaan ay dalka oodhanba la wareegayaan 10ka sanno ee soo socda.
Markii hore Soomaalida waxay ku ekeyd xaafada Islii, oo ay ka samaysay suuqa ugu weyn bariga Afrika oo dhan, laakiin labadii sanno ee lasoo dhaafay waxay xitaa la wareegeen faras magaalihii caasimada Kenya ee Nairobi.
Dowlada oo ay xaalada ku cakirantan, oo warbixin kasta oo kasoo baxda xafiisyada sirdoonka ay tilmaameyso halis kasoo fool leh Soomaalida, oo la’isku mari la’yahay talaabooyinka ay tahay in lagu joojiyo fiditaanka Soomaalida ayaa maalin kheereysan oo Jimco ah waxaa masaajida Jamiya Mosque waxaa ku mudaaharaaday koox Soomaali iyo muslimiin kale oo laab-la-kac uu gadaal ka riixayo.
Dowlada oo fursadaasi dahabiga ah ka faa’ideysanaysa ayaa kusoo dhex dartay dadka kuwa watta calanka Jihaadka ee Toowxiidka ku qoranyahay, isla markaasina usoo dhiibtey bastoolado ay ku dhaawaceen qaar ka mid ah askarta.
Police-ka waxay si ula kac ah u fasaxeen dadka in ay sameeyaan waxay doonaan, iyo in dad rayid ah ay dhankooda kasoo saftaan, sida warbaahinta ay tabisey waxaa la arkayay xitaa Police-ka oo daawadayaal ka ah waxa dhacayay.
Waxaa la hubey in awood ciidan loo hayay in markiiba la hakiyo mudaaharaadka koox yar ay ka kicisey Nairobi, balse ujeedka laga lahaa natiijada kasoo baxda oo aad u weynaa dartiid ayaa faraha looga bixiyey banaanbaxa, taasi waa mid cadaan ah oo aan dood ku jirin.
Markiiba waxaa hadlay wasiirka Amniga Gudaha Goerge Saitoti oo garabkiisa ku sharaxay labbo wasiir oo Soomaalida Kenya ah si loo marin habaabiyo rayul caamka, wuxuu sheegey in falka ay ka dambeeyeen Alshabaab, ficilkii hadalkiisa ka dambeeyey wuxuu ahaa wax taariikhda galay.
Qafaal
Tirada dadka la qafaalay waxay maraysaa kumanaan, walina fari kama qodna faanoole, dadka iyagoo daraasiin ah ayaa lasoo hor taagayaa maxkamadaha waxaana lagu heystaa in dalka ay sharci darro kusoo galeen.
Markan xaalada tii hore waa ka duwantahay, ma jiraan wax barmuudo ah ama toobiyo ah oo loo mari karro in lagu soo siidaayo qof howlgalkan lagu xirey, dadka waxaa la heynayaa illaa intii la doono oo muddo ah, maraanmaridiisa waxaa loo isticmaalayaa siffo kasta , oo ay xitaa ka mid tahay in koronto lagu qabto.
Kuwooda looga shakiyey in Alshabaab ay xariir la leeyihiin iyaga Alambaqooyin ayaa laga tuurayaa, kol dhowna waxaa sheeko noqon doonta halka ay jaan iyo cirib dhigeen dhalinyaro badan oo ku maqan gacanta Police-ka,
Wajigabaxa ugu daran ee magaca Soomaaliyeed ku dhacay wuxuu ahaa in xitaa kuwii dowladnimada sheeganayay ee isla Nairobi lagu soo dhisey in iyana xasbiyada loo taxaabay, waxaa ugu dhiilo badnaa hadalkii Jeneraal Galaal uu xabsiga kasoo dhexhadlay isagoo leh ”dacas iyo macawuus ayaan xirnahay, xabsi ayaanan ku jiraa”.
Inteed lacagtan ka keenteen?
Ma jirto cid ka jawaabi karta weeydiintaasi, aduunka maanta la joogana waa sifada uu ku shaqeeyo, dhibka inaga na heysta waxaa weeye aduunka ayaan sanado ka dambeeynaa, waxa aan nafteena ka aaminsanahay aduunka nagama aaminsana, taasina wali nama dhaadhicin.
Haddii aad isu aragto qof aamin ah, sharaf leh, shaqaysta, xoolo dad aanan dhicin, dambi aanan geysan, taasi waa ka duwantahay waxa dadka kale kuu arkaan, waxaa laguu arkaa tuugtuug dhalay oo dalkiisa iyo dadkiisa soo gubey, lacagta uu heysto ee daraaha ku taaganayna ka keeney howlaha burcad badeeda, ka ganacsiga hubka iyo maandooriyaha, iyo tan ugu daran oo ah in Alqaacida ay kusoo siisey.
Haatan talaabada qafaalka xigta ee dowlada Kenya bilaabeyso waa in ay halhal u baarto halka ganacsatada Soomaalida ay asalkeeda ka keeneen lacagta tirada badan ee ay ku ganacsadaan, masiibada jirta ma jiro qofkood ka mid ah oo wax cadayn ah u haya halka uu lacagta ka keeney.
Alaabta uu Dubai ka keeney qaansheegtii (waraaqihii) uu kusoo iibiyey jeebka shaarka ayaa lagu dhaqay ama haanta qashinka ayaa lagu daray, wax dan oo uu ka leeyahayba ma jiraan, wax diiwaan dhaqaale oo uu leeyahay ma jiraan, sidee marka qofka noocaasi ah aanan looga shakiyin halka uu lacagta ka keeney?
Dadkii daaraha fooqa leh ka dhistey Nairobi iyo Mombasa iyo meelaha kale ayaa haatan qarka u saaran in ay lumiyaan hantidaasi oo ay la wareegto dowlada Kenya, waxay ku shalaynayaan sababta ay xitaa dhul Soomaaliyeed sida Garrisa oo kale uga dhisan waayeen dhismayaashaasi.
Gurigaaga gub mid walaalna ku dar
Waxaa la yiri ”Shimbir maalinbeey dab qaadaa, maalintaasna buulkeeda ayay ku gubtaa”, Soomaalida inta ay buulkeedii kol hore gubtey ayay ku dartey buulkii walaalkeedna, haatan waxaa qiilqiil ku jira Soomaalida Kenya horey usii daganayd oo ay hubanti la’aan ka heeysaa noloshooda xili ay dhagahooda kasii qeeylineyso wixii dhacay sideetameeyadii kolkaasoo inta xarooyin lagu oodey la xasuuqey.
Madaxda Soomaalida Kenya iyo kuwa islaamka Kenya waaga ayaa ku baryay, waxay garan la’yihiin meel ay wax ka bilaabaan iyo kob ay wax kaga hagaagaan. shirarkooda waa is daba joog, hadala ay saxaafada siiyaan waa kuwa miisaaman oo ay aad uga fiirsadaan, sababtoo ah iyagii ayaaba gacan ku gabad ah oo ay sahlantahay in lagu shabadeeyo in ay ka midyihiin Soomaalida dambiilayaasha ah.
Hal-beeg?
Waligaa idaacada maka maqashay ”danaha maraykanka ee bariga dhexe, danaha maraykanka ee Afrika”? , maxay kula tahay in loola jeedo marka la leeyahay ”danaha”?, ma is weeydiisey danaha aan ku leenahay aduunka kale, gaar ahaan Kenya,? , maya, ma filayo in aad isweeydiisey, sababtoo ah waxaaba kaa lumey halbeegii danaha aad leedahay oo dhan.
Kaba soo tag Soomaalinimada, Sheekh Cabdullaahi Alfeysal, wadaadkii Jamaykanka ee mudaaharaadkiisa dhibkan oo dhan uu kaga kacay qadar intee la’eg ayuu ka yahay danaha islaamka uu Kenya ku illaashanayo?, haddiise aan Soomaali nahay waxaan ka mid nahay dadka islaamka dhibaatada ugu badan ay heeysatee, danaha aan Kenya ku leenahay ee ay tahay in aan illaashano inteebuu ka yahay Sheekh Cabdullaahi Alfaysal?
Anaa kuu sheegayee dhagayso, nus malyuun qof oo qaxooti ah oo haween iyo caruur u badan ayaa Kenya naga jooga, boqolaal kun oo kale ayaa magaalooyinka ku nool, ganacsiga geeska Afrika ugu weyn ayaan ku heeysanaa, hantida ugu badan ee hal qoowmiyad ay Bariga iyo bartamaha Afrika yeelan karto ayaa Kenya noo taala.
Guryo, gaadiid, iyo ganacsi, iyo waliba gabaad gurigeena labaad ah ayay Kenya noo heysaa, haddiiba aanan ka galad sheeganaynin, danteena gaarka ah miyaan illaashan weeyney, marka 50 wiil oo daqiiqadna masaajidka ku jira, tan xigtana shaneemada ku jira ay inta garuumo iyo dhagxaan qaataan weerarayaan dowlad dhan oo na martigalisey, miyeysan jirin wax jac dhaha oo kasii war hayay?.
Waxaa la yiri ”Maroodi bartiisaa illaahay bidix ka tusey” oo loola jeedo xooga ku jira cabsi ayaa ka tan badatay, hadda markii qafaalka la bilaabay, sidii ”lo’ libaax galay” ayay Soomaalidii Islii joogtey oo dhan kaadida ka wada shalableeysey, ma jirto wax ay isku waafaqsanyihiin oo ay isku difaacayaan .
Awooda dhaqaale ee ay leeyihiin ayaa ku filan in ay xitaa noqon karaan dowlad dowlad ka dhex shaqaysa, waxay kol hore samaysan kareen ciidamo ay iyaga mushaarka siiyaan oo dowlada u diiwaangashan oo Islii ka shaqeeya, amaankeedana si gaar ah u suga, kuwaasoo ka hortagi lahaa dadka kusoo dhexdhuumanaya ee danahooda qaribaya, waxay yeelan kari lahaayeen garyaqaano saameyn badan oo u dooda, saxaafad dalka oo dhan la hadasha oo saameyn badan, golayaal iyo nidaamyo ay dowlada kula dagaalami karaan isla nidaamka dhexdiisa.
Soomaaliga ganacsadaha ah ee maalgashiga xooga badan ku sameeyey Kenya, iyo kan shalay soo galay maanta dowlada waa isugu mid, isku si ayaa loo xirayaa, isku si ayaa loo bah dilayaa.
Laakiin Dab aanan lagu guban dambaskiisa lagama leexdo.
Xuuraan: Waa qormo joogto ah oo aan ku falanqeeyo arrimaha taagan.
W/Q: Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo), Email: saxansoxo1@hotmail.com
Tell: 22767059384
| LA XIRIIRA |
| Caqliga iyo caadifadda |
| Waddada Walaalnimada iyo Midnimada |
| ERGO GUUR |
| Qur’aan halgaad ah ! WQ Axmed Cabdi Samad |
| Gooni isu-taagga tuulooyinka iyo jifooyinka [1]:WQ Axmed C/samad |